26th April 2024  admin  Category :

Ergooyinkii ka socday beesha Isaaq oo doonayey inay gobolka Sool sii haystaan aya gaaray Qardho

Salaadiin iyo ganacsato ka soo jeeda beesha Isaaq  oo ka soo kicitimay magaalada Hargeysa ayaa maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Garoowe oo ay kulamo kula yeesheen qaar kamid ah isimada iyo ganacsatada reer Puntland.

Waxgaradkaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa ujeedka safarkooda lagu sheegay in uu la xiriiro xal u-helidda colaadda ka aloosan gobolka Sool ee u dhexaysa Harti  iyo Isaaq.

Xubnahan oo magacyadooda lagu sheegay;

 

  1. Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
  2. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
  3. Axmed Aadan Buuxane
  4. Ganacsade Jamaal Caydiid Ibraahim
  5. Ganacsade Cismaan Baane
  6. Ganacsade Xasan Yuusuf iyo
  7. Siciid Aadan Guuleed . Isimadan ayaa waxaa hoggaaminayay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo kamid ah salaadiinta aadka ugu dhow madaxweynaha SNM Muuse Biixi Cabdi,waxayna kulamo la qaateen isimada kala ah; Suldaan Siciid Maxamed Garaase,Garaad saleeban Garaad Maxamed,Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse,Garaad Cabdullaahi Cali Ciid iyo qaar kamid ah ganacsatada.

Salaadiinta ka socotay dhinaca Somaliland ayaa wararku sheegayan in ay isimada Puntland kala hadleen xal u-helidda xiisadda ka aloosan gobolka Sool ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland,hayeeshe faahdaahin kale lagama helin kulamada ay yeesheen labada dhinac.

Ergada ka socotay Somaliland sidoo kale waxay usii gudbeen dhinaca magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar halkaasoo ay kulan kula yeesheen Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo qaar kamid ah waxgaradka iyo ganacsatada  gobolka Karkaar.

Wefdiga ka yimid dhinaca Somaliland ee ka kooban salaadiinta iyo ganacsatada ayaan wax kulan ah dhexmarin mas’uuliyiinta Puntland,sida ay xaqiijinayan ilo-xog-ogaal ah,waxaana ay maanta dib ugu laabteen magaalada Hargeys

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*