16th April 2024  admin  Category :

Ergeyga Abaaraha: ‘Gargaar Soomaaliya loogu deeqay ayaa 50 maalmood ku xanniban garoonka Muqdisho’

Waxaa magaalada Muqdisho warbaahinta kula hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u magcaabay arrimaha gurmadka abaaraha. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maalmihii u dambeeyey kulamo kala duwan la qaatay madaxda dawladda, hay’adaha caalamiga ah, qaar ka mida danjirayaasha wadamada caalamka u jooga Soomaaliya, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda warbaahinta, ayaa sawir ka bixiyey heerka ay marayso abaarta dalka ka jirta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in guud ahaan tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen inay gaadhayaan illaa 6.1 million oo qof oo u dhigmaysa wax ku dhow kala badh shacabka Soomaaliya, halka 2.8 million oo qof oo ka mida dadkaas inay xaaladoodu aad u daran tahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ku dhowaad 700,000 oo qof inay guryahooda ka barakaceen oo u carareen magaalooyinka waaweyn.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa sheegay in abaaruhu ay saameeyeen 72 degmo oo ka mida 84-ka degmo ee dalku ka kooban yahay, halka 6 degmo oo ka mida 72-ka degmo, ay haatan buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan jiray goobaha ay macaluushu ka jirto.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ahi inay codsadeen lacag gaadhaysa illaa $1.4 bilyan oo dollar si wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya hase ahaatee ay heleen oo keliya lacag ku dhow $58 million. Isagoo intaas sii raaciyey in dadka illaa haatan gargaarka la gaadhsiiyey ay gaadhayaan 2.8 million oo qof oo ka mida 6.1 million ee qof ee abaaruhu saameeyeen.

Arrimaha keenaya in abaaruhu sii xumaadaan waxaa ka mida, iyada oo labadii sano ee u dambaysayba si weyn loogu mashquulsanaa hawlaha doorashooyinka ee Soomaaliya, taasoo keentay inaan xogbadan laga helin xaaladaha rasmiga ah ee abaaraha dalka ka jira.

Wadamada caalamka ee taageeri jiray dadka jilicsan ayaa iyaga laftoodu, haatan si weyn ugu mashquulay xaaladaha dunida ka jira, sida dagaalka Ukraine oo keenay in dalalka dunidu ay kaydsadaan raashinkii ay debedda u dhoofin jireen iyo weliba sicir bararka dunida oo saamayn xooggan ku yeeshay dhaqaalihii dunida.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale iftiimiyey inay jiraan caqabado badan oo soo foodsaaray, hay’adaha gargaarka iyo weliba dalalka isku deyaya inay taageeraan dadka abaaruhu saameeyeen, wuxuuna si gaara tusaale ugu soo qaatay in muddo ku siman 50 maalmood ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ku xanniban yihiin gargaar uu dalka Qatar uu ugu deeqay Soomaaliya, isagoo sheegay inaanu illaa haatan garanayn sababta uu gargaarkaasi u xayiran yahay.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in qaar ka mida hay’adaha Qaramada Midoobay inay u sheegeen inay wakhtiyo badan ku qaadato inay dekedda ka soo dejiyaan, gargaarka ay dalka keenaan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa baaq u diray masuuliyiinta dawladda iyo hay’adaha kale ee maamula garoonka iyo dekedda “waxaan ka codsanayaa shirkadaha iyo hay’adaha dawladda ee maamula garoonka diyaaradaha iyo dekedda, inaanay wax faa’iido ah ka raadinin ama wax dan ah ka raadinin, gargaarka mucaawanada la keeno, ee la sii daayo” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu dambayn Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada debedda iyo gudahaba inay u soo jeestan inay taageeraan dadka ay abaaruhu saameeyeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*