26th July 2024  admin  Category :

Ergadii Farmaajo u dirsaday Siyaasiyiinta Hawiye oo caawa la kumay siyaasiyiin ka mid ah beeshaas uu hogaaminayo Xildhibaan Fiqi

Kulan u dhaxeeya xubno ka kala socday Madasha Xisbiyada Beelaha Hawiye iyo Ergo uu dirsaday Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Kulankan ayaa gogol xaar u ahaa kulan la filayo inay maalinta arbacada ah magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Hawiye, Shariif Sheekh Axmed.

Madashan waxa beesha Hawiye u hoggaaminayey Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada beeshaas iyo halka dhinaca Madaxweyne Farmaajo uu uga wakiil ahaa Wiil uu adeer u yahay Cabdiraxmaan Guulwade oo lagu magcaabo Fahad Yaasiin oo ku magcaaban agaasimaha hay’adda NISA

Fahad ayaa horey u billaabay wada-hadallada labada dhinac kadib markii uu dhammaadkii toddobaadkii tagay Muqdisho kula kulmay Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada beelaha Hawiye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*