26th July 2024  admin  Category :

Erdogan iyo Ruto: Dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya iyo waxa laga og yahay

Waxaa labo bil jirsaday xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee sal-ku-heysa is-afgaradka la xiriira in Addis Ababa ay marin baddeed oo toos ah iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho Somaliland, iyada oo ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland uu sheegay inay Itoobiya noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi caalami ah siiya.

Is-afgaradka oo la shaaciyay maalinkii ugu horreeyay ee sanadkan ayay Hargeysa ku hanweyn tahay in la dhaqangeliyo kadibna marka ay soo dhammaadaan wada-xaajoodyada u socda labada dhinac.

Laakiin Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay is-afgaradku in uu yahay ‘duulaan qaawan’ oo lagu soo qaaday xornimada iyo wadajirkeedka dhuleyd ayaa diiday inay wada hadal-kala-gasho arrinka Itoobiya, sida uu Raysal wasaare Abiy Axmed ka sheegay fadhigii shir madaxeedka Midowga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysay in aysan wada hadal la gelin Itoobiya ilaa laga noqdo is-afgaradka, laakiin waxaa hadda muuqda suurtogalnimo wada-hadal labada dhinac ah sida ay muujinayaa xogaha laga helayo Nayroobi iyo Ankara.

Qorshaha Madaxweynaha Kenya iyo dhex-dhexaadinta Soomaaliay iyo Itoobiya

Madaxweynaha Kenya ayaa martigeliyay Raysal Wasaaraha Itoobiya
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Kenya ayaa martigeliyay Raysal Wasaaraha Itoobiya

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa horey dhowr jeer ugu celisay in aysan wada hadal iyo dhexaadin la geli doonin Itoobiya inta ay ka noqoneyso is-afgaradka ay la gaartay Hargeysa.

Hadalka dowladda waxa uu dabo-socday baaqyo caalami ah oo ka kala imaanayay beesha caalamka, Midowga Afrika iyo dalal kale oo qaarkood ku dhaliiyay Itoobiya is-afgaradka muranka dhaliyay.

Raysal wasaaraha Itoobiya waxa uu isagu sheegay in uu dhowr jeer ka codsaday wada hadal iyo kulan madaxeynaha Soomaaliya, isaga oo usii maraya madaxweyneyaasha Jabuuti, Yugaandha iyo Kenya. Waxa uu tilmaamay inay Soomaaliya diiday dhammaan wada hadaladaas.

Madaxweynaha Kenya oo ay toddobaadkii hore madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ay marti ugu ahaayeen sababo kala duwan ayaa hadda wada dedaal dhexdhexaadin ah, sida lagu baahiyay wargeyska The East Afrika oo lagu daabaco Nairobi.

ku sheegay in Turkigu door muhiim ah ka ciyaari karo dhexdhexaadinta labada wadan isagoo xusay in Turkigu xidhiidh fiican la leeyahay Addis Ababa.

“Turkigu waxuu ka ciyaari karaa kaalin fiican, [xiisadan u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya], awood iyo saaxiibtinimo ay Itoobiya ku cadaadiyaana waa leeyahiin danno badana wayka dhexeeyaan labada wadan ee Turkiga iyo Itoobiya waana dalalkpa awoodda badan mid ciidan iyo mid dhaqaale, Turkiduna marna danta dadka turkiga ah uma dayacayso danta dal kale,” Axmed Ciise Cawad.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in heshiiska amni iyo difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga uusan xiriir la lahayn khilaafka iyo xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, arrinkaas oo markii hore la la xiriiriyay heshiiskan oo baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen iyaga oo aan arkin oo aan akhrin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*