26th July 2024  admin  Category :

Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay ururka EAC

Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay ururka EAC

Beesha dhaqaalaha ee Bariga Africa ayaa maanta rasmi ah ugu dhowaaqday inay Soomaaliya ka mid tahay ururkaasi, isla markaana ay noqotay xubintii siddeedaad.

Ku dhowaaqista Soomaaliya ee xubinnimada EAC ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay dabaqdo shurucdii ururka EAC, sida uu sheegay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo la hadlayey idaacadda dawladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inuu maanta geeyey sharciga ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in calanka Soomaaliya laga taagay xarunta ururka ee Caruusha, sidoo kalena calanka EAC laga taagi doono Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii December saxiixay xubinnimada rasmiga ah ee Soomaaliya ee ururka EAC iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynayaasha Uganda iyo Suudaanta Koonfureed Yoweri Museveni iyo Salva Kiir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*