26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.12 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.


Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.
2. Waxaa Axmed Nuur Huruuse si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

One thought on “Duqa Boosaaso oo la magcaabay

  1. Jirac

    Reer bossaso inta goor aan markasta baraarujin iyo canaan u soo jeedin jirney KUMAY BARAARUGIN FADLAN AMAANKIINA ADKAYSTA horumar kaa la’idin kale dagalin bal fahma sidee bay ku dhacday in 2021 wali dadka Somali ugu wanaagsan ee nabada iyo horumarka jecel in ilaa 1993 shaatiga shaydaan ka loo gashto oo QARAXYO DILAL LAGULA DAGAALAYO HORUMARKA DEKEDA IYO WEERER XARUMIHII DAWLADA fadlan amaankiina adkaysta bal eega kuwa SIXRAN ee deegaan kooda ku soo hogaaminaya may oran kari waayeen la’aada deegaanadiina. MADAXWEYNE DENI waad dedaalin lakiin hala xusuusnow ama hala xusuusiyo anagu waa taageersanahay waana jecel nahay waana ku kal soonahay lakiin yuusan ilaawin wixii dhacay.. Somalia ?? ilaa laga heshiiyo wixii dhacay 1991 ee Somali lagu gowracay “Wixii loogu yeeray Dibirgoynta Daarood” ee Somali cid kasta leh ee aan waxba galabsan la laayey, la qixiyey, Guryahoodii lagu dhex aasay oo wali dad degenyihiin, oo hadana hadba shaatiga shaydaan ka la’isku gashanayo oo dad Muslim ah xitaa masaajida lagu dhex dilayo Somaliya xaalkeedu ma dhawa ISIR naceyb kii ayaa wali jira. Inkastoo Farmajo SNM raali galiyey hadana XAQIRAY XASUUQA AYNU U NAQAAN HALABJA OF SOMALIA ?? 1019 innocent people poisoned we’ll never ever forget and also will never ever forgive kuwa shaatiga shaydaan ka dadka ku laynaya ee adeegsanaya magac diimeed iyakoo ku cayaaraya diinteena suuban ee qof Islam ah ama bin aadaan ah dhiigiis xarimtay isagoo qabiil huwan. Madhawa Somalia ?? howsheeda ee waxa kaliya ee aan madaxdeena Puntland ka dooneynaa waxaa weeye iney nafsi saaraan puntland oo dhisaan waana iney joojiyaan “Somalia, Somalia, Somalia, too much ee mudane madaxweyne we did our duty full stop ? dawladnimadii Somalia ee ceelka ku dhacday waynu ka soo saarnay ee xusuusnow mudane we’re PUNTITES ORIGINALS waa loo wada jeeday Farmajo inuu seexday Khayrena wuxuu ka sameeyey Gobalka jubaland gaar ahaan GEDO Farmajo wuu joogin VILLA WARDHIIGLEY inta madaxweyne cusub dalku yeelanayo ama isaga dib loo dooranayo. Farmajo waabaa ku baryey “NINKII SEEXDAA SICIIS DIBI DHALAY BAA HAYSATA” wuu seexday markuu soo toosana music baa loo shiday markuu practice gareynayo English speeches na LIVE LEAKES baynu ka daawan jirney sidii inuu maxbuus yahay “We’re tech savvy & we’ve seen everything” maanta waxaa taagan TAARIIKH isqoreysa adeer kii 21 sano ayuu heystay Reer puntland baa u horeeyey oo xaqdaro diiday wax aan lafileyn ayaana dhacay oo xasuuq ah inkastoo ayyan dadkanagu jecleyn iney ka hadlaan waa mihiim in la’is xusuusiyo XASUUQII HALABJA OF SOMALIA ?? laakiin waxaa dhacay 1991 wax aan la fileyn oo ISIR neceyb ah oo Somali oo dhan lagu gowracay looguna yeeray “Dibirgoynta Daarood” NEVER EVER AGAIN. WEBKA ALLSANAAG WAAD MAHADSANTIHIIN ILAAHAY BAANA MAHAD LE WACYI GALINTIINA BULSHADANADA HA KA DAALINA SADEX JIBAARA

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*