26th April 2024  admin  Category :

Dugsi sare oo horay ugu magcawnaa Cunsuri ayaa hadda loo bixiyey Dugsiga sare ee Hodan Nalayeh

Dugsiga sare ee Vaughn ee ku yaal xaafadda Vaughn ee magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa magacii hore laga bedelay loona bixiyey Hodan Nalayeh Secondary School . Dugsigan ayaa jaaliyadda Dadka madow u ololaynaysay in magaca Vaughn ee dugsig u horay u lahaa la bedelo, ayaa hadda waxa loogu magac daray Hodan Nalayeh . Allah ha u naxariistee Hodan ayaa ahayd Weriye Soomaalida Canada, kana soo jeeda xaafadaa.

Guddiga xaafadda ee waxbarashada oo kooban 12 ayaa tobon ka mid ah u codeeyeen in la qaato magaca Hodon

Benjamin Vaughan oo horay Dugsigu ugu magcawnaa ayaa ahaa Cunsuri lahaan jiray Adoon madow ah oo diidanaa in madowga la xoreeyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*