
15th November 2025 admin Category :
Khuburo Ciidan oo ka socda dalka Canada ayaa tababar kooban siiyay Dufcadda 8-aad ee Ciidanka Booliska ee ka qalinjebiyey kulliyada tababarka Booliska ee Carmo, kuwaasi oo hadda loo diyaarinayo hawlgelintooda.
Khuburada Amni ee ka socda Canada ayaa Ciidanka iyo Saraakiisha Booliska cusub, la wadaagay casharo iyo khibrado amni iyo sida Booliiska adduunku u shaqeeyo.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan oo isku soo dubariday iyo Saraakiisha Booliska Puntland.









