26th July 2024  admin  Category :

Dowladda Puntland ayaa saaka maamulka degmada Burtinle e gobolka Nugaal ku wareejisey gaari xamuul ah oo uu saaran yahay qalabkii loogu talagalay in ladhigo goobta lagu qabanayo shirka dibu-heshiisiinta beelihi dhowan ku dagaalamay deegaamada Cagaarane iyo Meygaagle.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland ayaa qalabkaan ku wareejiyey maamulka degmada Burtinle maadaama beesha degan Burtinle iyo deegaamada ku hareersan ay qaban qaabada shirka wakiil katahay.

Dowladda Puntland ayaa kaalinta ugu weyn kuleh shirka lagu heshiisiinayo beelaha Bah-ararsame iyo Cumar Maxamuud oo dhowaan dagaal khasaare nafeed geystey uu kudhexmaray deegaamda Qoriley, Cagaarane iyo Meygaagle.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*