1st May 2024  admin  Category :

Dawladda Puntland ayaa goor dhaw wareejisay dekedda magaalada Boosaaso, waxaana lagu wareejiyey Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee lagu magacaabo P & O oo qeybka ah shirkada weyn ee DP WORLD.

Kulan weyn oo lagu wareejinayey heshiiska ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana ka qeybgalay wasiiro katirsan Xukuumada dawladda Puntland iyo Madaxda DP WORLD oo yimid magaalada Boosaaso.

Saraakiisha Wasaaradda Dekedaha iyo Amniga Baddaha ayaa u sheegay Puntlandtimes in waxa la wareejiyey ay tahay dhismaha ama Jambiyadda Dekeda ee aysan aheyn howlaha maamul ee dekedda.

 

   

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*