26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo safar shaqo ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Diiwaanka dalkaasi Sheekh Cali Jaraax Al Sabaah, kaas oo gaarsiiyay  dhambaal uu ka siday  Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabullaahi Farmaajo, kuna socday Amiirka dalkaasi.

Wasiirka ayaa ugu horeyn wuxuu warbixin ka siiyay Wasiirka arrimaha diiwaanka, Horumarka dowladda Soomaaliya ay sameysay iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwait.

Mudane Jamaal Maxmaed Xasan ayaa dowladda Kuwait ujeediyay in mahsaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya inay ka qeyb qaataan, tasoo shaqo abuur u noqanayso dhallinyrada Soomaaliyeed, qeyb wayna ka qaadan doonta horumarka dalka.

Wasiirka arrimaha diiwanka ee dalka Kuwait Shiekh Cali Jaraax Al Sabaah, ayaa balan qaaday in dhambaalka uu gaarsiin doona Amiirka dalka Kuwait, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ka taageeri doonan mashriicada horumarineed ee ay u baahan tahay, iyaddoo loo soo marsiinayo Sanduuqa Horumarinta dhaqaalaha dalka Kuwait.

Dhinac kale Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Somaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeybgalay shirka madaxda Wasaaradaha Qorsheynta Wadamada Carabta oo maanta ka furmay dalka Kuwait, waxaana shirkaasi uu socon doonaa muddo labo maalin ah.

Waxyaabaha diiradda lagu saari doono shirka waxaa kamid ah howlaha shaqo ee la qaban doona sanadkan iyo sare u qaadista tayada hay’addaha dowladaha carbeed oo ay ka mid yihiin tababaro kala duwan oo la siinayo dhammaan shaqaalaha Dowladaha carbeed.

Wasiir Jamaal, ayaa shirkaasi maalinta barri ah ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo doorka Soomaaliya kaga aadan waxybaaha sanadkaan la qaban doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*