29th March 2024  admin  Category :

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo Radio Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi oo kala saxiixday heshiis ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Raadiyo Muqdisho lagu soo kordhin doono Luuqadda Talyaaniga oo horey uga bixi jirtay Idaacadda xilliga dowladdii dhexe ee dalka.

Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in mudooyinka dambe ay Wasaaraddu ku howlaneyd in Idaacadda lagu soo kordhiyo Luuqadihii ka bixi bixi jiray, haatanna lagu bilabi doono Luuqadda Talyaniga, taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ka dhexeeyo..

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi ayaa xusay in Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, uuna ku faraxsanyahay in dib Raadiyo Muqdisho laga baahiyo Luuqadda Talyaaniga.

Safiirka iyo Wafdiga la socday ayaa kormeeray Istuudiyeyaasha Raadiyo Muqdisho iyo keydka hadalka ee Raadiyaha oo ay ku keydsanyihiin taariikh aad u fac weyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*