16th April 2024  admin  Category :

Abiy Ahmed Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada  

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magacaabay Golihisa Wasiirada cusub oo ka kooban 22 Wasiir,kadib markii dhawaan loo dhaariyay shanta sano ee soo socota inuu hayo xilka ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia.

Abiy Ahmed ayaa mar kale dib u magacaabay Demeke Mekonnen Ra’iisul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka soo jeeda Amxaarada, waxaa kaloo uu mar kale Wasiirka Maaliyadda u magacaabay Saaxibkiis Axmed Shide oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida, halka Abraham Belay oo ka soo jeeda Gobolka Tigray u mahacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Sidoo kale waxaa uu Golihiisa Wasiirada ku soo daray xubno ka tirsan Mucaaradka sida Berhamu Nega iyo Kejele Merdasa Tulu.

Golaha wasiirada ayaa waxa ay u kala magaacaban yihiin sidani hoos ku xusan:

1. Raysalwasaare

1. Raysalwasaare Oromo

2. Wasiirka Macdanta = Oromo

3. Wasiirka Dalxiiska Oromo

4. Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Oromo

5. Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Oromo

6. Wasiirka Beeraha Oromo

7. Wasiirka Magaalooyinka iyo Horumarinta Aasaasiga Oromo

8. Raysalwasaare Ku Xigeen Ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Axmaar

9. Wasiirka Warshadaha Axmaar

10. Wasiirka Dakhliga Axmaar

11. Wasiirka Curinta iyo Tignoolajiyadda Axmaar

12. Wasiirka Gaadiidka iIyo Saadka = Axmaar

13. Wasiirka Nabadda Axmaar

14. Wasiirka Waxbarashada Uraag/Axmaar

15. Wasiirka Gaashaandhigga Tigree

16. Wasiirka Caafimaadka Tigree

17. Wasiirka Ganacsiga Iyo Isku Xidhka Manadaqada Woleyta (Dhabuub)

18. Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Bulshada Hadiya (Dhabuub)

19. Wasiirka Shaqada Iyo Xirfadaha Silde (Dhabuub)

20. Wasiirka Cadaaladda Sidaama

21. Wasiirka Qorshaynta Iyo Horumarinta Sidaama

22. Wasiirka Waraabka iyo Xoolo-Dhaqatada Canfar

23. Wasiirka Maaliyadda Soomaali iyo Oromo

30.44 %Axmaaro

30.44 %Dhabuub

13.00 %Sidama

8.70 %Tigray

8.70 %Canfar

4.35 %Soomaali

4.35 %Benashangul

0 %Gembella

0 %Harari = 0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*