27th April 2024  admin  Category :

Dowlada Somalia Siyaasadeeda A/Dibadda Wax weyn baa ka qaldan. By: Cismaan Xirsi

Dowlada Somalia Siyaasadeeda A/Dibadda Wax weyn baa ka qaldan , markastaaba , iminka Ninkaan waa Ergeygii Qaramada madoobe ee somalia wakiilka Uga ahaa , Mr Heysan …Dowlada somalia waa ceeyrsadeen , Qof aan laga doonaheyn Dalka beeyna ku tilmaameen , waxeeyna ula dhaqmeen sida Qof Diblomasi caadi ah oo kale oo dal kale matala , Waa laga aqbalay , Laakiin qalad Kooda waa Loo sheegay , waayo Ma ahan dibloomaasi caadi ah, oo warqado inta madaxweynaha somalia uu u dhiibay lagama guddoomay , markii horeba iyaga lama weydiin , kaliya Madaxa Ugu sareeyo Qaramada midoibey baa Soo magacaabay, Hadana Soo magacaabi doona mid kale , iyagoo wali loosiituraayo oo aan bisseyl ka muuqan Madaxda Somalida Maanta ,

Dowlada Somalia Xaq ma u leedahay ineey saas, ula dhaqanto oo shaqsi aan ladoonaheyn ku magacoowdo..Qof Ah Ergo gaar ah .

Jawaabtu waa Haa , Laakiin Maxaa Xigi doona oo dharbaaxooyin Ah ……?!aan dhowrno waayaha .

Taariikhda horey Saan dunida ma Uga dhacday ?!

Jawaabtu waa Haa , waxeey ka dhacday Libya , Suudaan , Iyo Falaatiin .

Libya , ilaa Qaddafi laga rido oo waliba la dilo lagama harin, sidoo kale , falastiin , ilaa carafaat laga dilo lagama harin , sidoo kale wali waa kusocottaa cumar bashiir ka Suudaan .

Dhacdadaan , waxeey Nasoo xasuusineeysaa , tii Siyad barre sameeyey , goor danbe kuna sameeyey Safiirkii Americanka ee Muqdiaho 1989 kii , Robert Oukly , Laakiin Taasi waxeey keentay In Dalkayaga sanad kadib uu burburo, Dharbaaxadiina wali eey innagu socotto .

Tallaabooyinkaan is xig-Xiga ee aan bisseylka ka muuqan eey qaadeeyso Siyaasadda Arimaha dibadda somalia waa mid eey ku yar tahay aqoonta Nidaamka dibloomaasiyadeed ee Dowliga Ah .

Dhacdadii dhib kii dhexmaray Sacuudiga iyo Sweden , Si fudeed Ah somalia waxeey lasafatay Sacuudiga .

Dhacdadii dhibka siyaasadeed ee dhex martey Canada iyo Sacuudiga , si fudeed Ah somalia waxeey lasafatay Sacuudiga .

Dhib kii carabta oo mid ah iyo khaliijka ba ee Qatar kala dhaxeeyey Carabta , dowlada somalia waxeey lasafatay. Qatar , marka Hawada laga cunaqabateeyey .

Isku Soo Wada duu-duub, Dowlada fudeed iyo fuduul ee Farmaajo waa mid Somalia dhaxal siin doonta sida muuqatta fashil siyaasadeed oo Dalkayaga ku yimaadda , innagoo awal ladaalaa-dhaceeyney, fashil Dowlad Nimo iyo mid Bulsho iyo deegaan intaba .

Yaa ka danbeeyey In Eey dowlada somalia qaadatto tallaabadaan ugu danbeeysey ee Dalka kaga ceeyrisey Ergeyga gaar ka Ah ee Qaramada midoobey ee somalia .?!

Jawaab waafi Ah …!

Waxaa arintaan lug ku lahaa dowlada Ethiopia oo iyadu si gaar ah heshiis Yo qarsoodi Ah kula gashay madaxweynaha somalia siyaasada fashilka aheyd ee lagula kacay maamulka south west somalia , ee lagu kufsaday dimoqradiyaddi , isla markaasi na Qori iyo kaare. Kursiga loogu fariisiyey lafta gareyn ,I nta laga ceeyrsaday Madaxweyne shariif booska , kadib goortii lagu xuuxiyey , burcad diimeed Rooboow , Madaxweynihii deegankaasi Mudane sharif .

Dilalka ka dhacay Halkaasi oo eey Qaramada madoobe , warbixin dheer ka diyaarisey oo Qaan aan dhammaan na ku ahaan doona dowlada somalia iyo Ethiopia, ayaa iyadoo ka baqeeysa ethiopia In danbigaasi iyada lagu qaado , gaar ahaan amarka uu baxshay sida gaar ka Ah R/W ethiopia mr Abbiyi , isagoo magaca African Unisom si qaldan u isticmaalay , ku qamciyey Shacbiga reer K/ Galbeed , ku amray maamulka fudeed iyo fuduul ee Farmaajo I n Dalka laga saaro ergeyga Qaramada madoobe ee somalia mr Heysan , si eey Uga badbaado fool Xumada siyaaadeed eey qaadatay ethiopia, gaar ahaan goortii afhayeenka African Unisom uu cadeeyey In eeyan Wax shuqul Ah ku laheyn waxa ka dhacay beydhabo …kuna gaar tahay falkaasi dowlada ethiopia iyo maamulka S/west kaliya .

Arintaani waxeey keeneeysa In goor dhow si cad uu Uga muuqan doono fashilkeeda Siyaasadda Arimaha dibadda Somalia , Wasiirka Hadda shaqadaasi hayana si gaar ah eey waliba u taaban doonto arinkaani ..isagoo la isticmaalay isna , kaasoo aan Siyaasadda sida muuqatta waxba ka aqoon. .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*