26th March 2024  admin  Category :

Xukuumadda  Itoobiya ayaa go’aansatay in la xiro dhammaan dugsiyada sare  ee dalkeeda si Ardaydu ay uga qaybqaataan badbaadada dalkooda, halkii ay kaqayb qaadan lahayeen dagaalka sokeeye ee ka jira dalka, Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Xiritaanka Iskuullada ayaa loo qorsheeyay in uu socdo muddo todobaad ah, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Itoobiya.

Dawladdu waxay sheegtay in ku dhawaad ​​laba milyan oo arday ay horay uga tageen iskuullada sababo la xiriira dagaaladii ka socday waqooyiga gobolka Tigre.

Iyadoo ay sii  xoogeysanayaan Dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF, ayaa ciidamada dowladda waxa ay sheegeen in dhawaan ay la wareegi doonaan magaalooyin ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Tigrega.

Ciidamada Itoobiya ayaa Arbacadii, sheegay inay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, oo ay ku yalaan goobo Tariikhi ah.

Dhankakale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay howlgallo ballaaran oo ciidamada Itoobiya ay ku xoreynayaan magaalooyinka Khamisi, Batti iyo Kumbelsha, maalmaha soo socda, kuwaa oo hadda ay gacanta ku hayaan  maleeshiyaadka Jabhadda TPLF.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*