27th April 2024  admin  Category :

Beelaha Puntland si ma u wada arkaan doorashada Soomaaliya cidda ay maslaxadoodu ku jirto?

Caalamka ay Dimoqraadiyaddu ka jirto marka uu sharaxan yahay Xisbi ama Qof xil raadinaya, bulshada uu codka ka raadinayaa waxa qura oo ay iswaydiiyaan ayaa waxay tahay, waa maxay maslaxadda kuugu jirtaa Xisbigan iyo Xildhibaankiisu haddii aad codkaaga siiso?. Tusaale: haddii aad tahay qof jecel in Cafimaadka dalkaaga bilaash laga dhigo , laakiinse xildhibaanka codka ku waydiisanayaa uu yahay mid xibigiisu jecel yahay in caafimaadka lacag laga dhigo waa kugu adkaanaysaa inaad Xisbigaas u codeeso. Sabtuna maslaxadaddii ayaad ka wayday.

Maanta dalkeena tartan doorasho iyo qofkii madaxweyne ka noqon lahaa Soomaaliya ayaa loo tartamayaa . Sida muuqatana madaxda maamul goboleedyadu ma qarin cidda ay maslaxadooda ka arkayaan.

Maamul goboleedyada Galmudug, Hir shabelle iyo Koonfur galbeed maslaxadooda sida muuqata waxay ka dhex arkaan in madaxweyne Farmaajo dib loo soo doorto.

Jubbaland waxay ku gorgortamaysaa in guud ahaan ay gobolka Gedo ay gacata ku dhigaan.

Maamulka Puntland oo ah maamulka ugu awood badan uguna d’a weyn maamul goboleedyada Soomaaliya ilaa hadda lama yaqaan waxay doonayaan aan ka ahayn ” ha loo yeelo waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe donayo. taasina maaha maslaxadda Puntlane ee waxa jira wax kale oo qarsoon oo ayna inta badan Bulshada ama beelaha Puntland wada dhistay ayna ogayn.

Waxa jira Murashaxiin xilal uga soo qabtay Soomaaliya, una badan beesha Hawiye oo doonaya inay qabtaan hogaanka ama madaxweynaha Soomaaliya, haddii ay ku guulaystaan sida nidaamka beelaha ee 4.5 ku salaysan yahay waxay Raisulwasaarha ka soo dhex dooranayaan beelaha Daarood.

Maslaxadda Puntland halkan ayeey soo gelaysaa iyo inay xulufo noqdaan siyaasiyiinta Hawiye dagaalna la galaan Murashaxa qura ee ka soo jeeda Beesha Daarood, si ay uga helaan siyaasiyiinta Hawiye midkooda soo baxa Raisulwasaare ka soo jeeda Beesha Majeerteen .

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay nin dhulkiisii la haysto iyo nin Raisulwasaare raadinayaa isku maslaxad ma noqon karaan murashaxiinta Soomaaliya si isku mid ahna ma u wada colaadin karaan madaxweyne Farmaajo?

Beesha Warsangeli oo dhulkooda xoog loogu qabsaday looguna haysto magaca Puntland, maamulkii ay ka tirsanaayeen diidan yihiin inay xoreeyaan ama ka hadlaan iyo beesha Majeerteen oo Raisul wasaare ku raadinaysa magaca Puntland isku maslaxad kama noqon karaan Murashaxiinta Soomaaliya. Ma wada jeclaan karaan siyaasiyiinta Hawiye mana wada diidi karaan madaxweyne Farmaajo.

Dhamaan Murashaxiinta marka laga reebo Farmaajo haddii ay guulaystaan waxay garab siin doonaan maamulka Hargaysa, waana murashaxiinta magaca puntland loogu ololeenayaa hogaanka Soomaaliya inay qabtaan.

Ugu danbayntii Murashaxiinta Muqdisho ee loogu ololeenayo magaca Puntland maaha kuwa ka shaqayn doona maslaxadda gobolada Sool iyo Sanaag, waxayna ka mid tahay nasiib darada ka jirta Puntland in siyaasiyiintii kasoo jeeday gobolada Sool iyo Sanaag ee loogu dirsaday Garowe inay ka shaqeeyaan maslaxadda dadka iyo degaanka in xitaa laga reebo Guddiyada Puntland ee Muqdisho loo dirsanayo, qaarkoodna ay qayb ka yihiin ololaha Beesha Majeerteen loogu raadinayo Ra’isulwasaare

ALLSSNAAG.COM

Khaalid1970@hotmail.com

4 thoughts on “Doorashada Soomaaliya iyo gobolka Sanaag

  1. Jirac

    Khalid walaal marka hore waa inaad fahamtaa maxaa ka horeerey u fiirso fikirkaygan aniga igu goonida ah “sanadkii 1988 kii markii qabiilada Hawiye iyo Isaaq intoodii kaga jidhay ciidankii military ga Somalia ay iyaka oo colaadibaya Daarood hade day waa tay sumeeyeen ceelasha biyaha dhulka majeerteenka dago oo 1019 qof lagu xasuuqay” markaas waxaa bilowday disintegration si tartiib ah kabacdina waxaa dhacay XASUUQII weynaa 1991 kii Somali lagu gowracay “Dibirgoynta Daarood loogu yeeray” U fiirso dhacdooyinkaan isla 1991 kii beesha Isaaq waxay ku dhawaaqeen gooni u goosad in Burco iyakoo lasoo baxay dhagartoidii aheyd Somali National Movement aan waxba ka jirin Xasuuqeen dadkii ku noolaa Hargeysa Burco Berbera iyo Borama it’s all true. Kabacdina iyakii dhexdooda iska laayeen u fiirso so true maanta dadka lafahooda 95% waa dadkii iyaku ay xasuuqeen iyo kuway iska laayeen 5% waa intii CALI SAMATAR iyo SIYAD BARE. Dagaal kaas ku dhimatay. Iyakoo Daarood naceyb ka duulaya ayey isku dayayaan iney xaqiraan DHIIGII AWOOWAYAASHAYO qiyaastii waa 1.2 million soldiers oo awoowe yaashayo ah baa English laayey dagaalkii DARWISH la Geleen si qaldan baad u fahamtay markaad tidhi magaca puntland magaca puntland baa lagu qabsaday No dadka Reer Sool iyakaa dhisay Puntland yes Majeerteen waxay wada ahaayeen ASKAR ama SSDF yes waqtiigaa ahaa dhacdooyinka iyo soo yaalka ayaa lafiiriyaa si aad u fahamto shirkii lagu dhisi lahaa Puntland 1993 maxaa dhacay? iyadoo lagu balansanyahay QARDHO ayaa Bossaso la qabsay ciidan aan la’iska jirin laguna fikirin ineyba dhici karto iyadoo lagu mashquulsanyahay masiibadii GALKACYO ee Hawiye ku xasuuqeen. Magaalada Burco ayaa laga soo abaabulay Hawiye iyo Isaaq is huwan oo shaatiga shaydaanka wata lacag SIXIR, iyo magac ay ugu yeereen “AKHWAN” so true shirkii la’iskugu imaan lahaa Qardho saas buu ku burburay wax ma garato badan bay heleen ka bacdina Garowe bay qabsadeen hade niman ka hor kacaya waa Hawiye iyo Isaaq HASSAN DAAHIR AWEYS so true. Yes waxaa la yiraah dagaalkii “dhabarjabinta” og soonow waa markaas markuu nin sheikh ah yidhi walee 40 sano way qaadan in Somali is aamibto lana xakameeyo beesha Isaaq iyo waliba in la xakameeyo isticmaalka sida qaldan ama shaatiga shaydaanka in diinteena suuban loo isticmaalo. Maxaa xigay in 1997 kii la abaabulo shir weynihii baaqday 1993 gii 1998 na lagu wada dhistay puntland. Fiiri dagaalku inta jiho uu kaaga socda ilaa maanta hada labo jiho kali ah weeye cardka gubtay ee shaatiga shaydaan ka iyo Horgale weeye that’s it kan anaka dhexdeena ah ha maanta waa gebgebo finish marka si aad u fahamto isir naceyb ka iyo soo yaal ka dhibka loo maray dhisida puntland iyo dhabarjabinada iyo dhagraha loo maray waatan ilaa maanta taagan ee mid Deegaan iyo dad Ina kale ragaadisay. Marka dadka Reer Sool iyo Sanaag cayaarta iyakaa bilaabay iney kubada dejiyaan si ay shabaga u geliyaan Goal#1 way ku hubsadeen iney askartii SSDF cagaha u dhigaan ama u dhabacdan mufakariintii waaweyneyd ee u dhafray u gaajooday timihii ugu bexeen ilaahay ha u naxariisto dhamaantood. Marka Reer Sool iyo Sanaag goal #2 cali khalif baa ku hubsaday shabaga hadal uu iyirna waligay ilaawi mayo mar uu na yiri “I’m on my own way of teaching you Somali style politics” ilaahow u naxariiso Professor Cali Khalif Galaydh isir naceybna masii socdo and for that matter you learn from me sababta loo sumeeyeyna waa taas he was a legand and classic politician. Marka adeer khalid kubada dhulka dhig puntland iyo Somalia adaa leh only shabaga ku hubso GAME OVER.

    Reply
  2. Jirac

    Hadaan kuugu soo noqdo jawaabtaada dulucdeeda waa sidatan 1. Farmajo waa nin Daarood ah wuxuu kursiga ku helay Daarood nimo hadana wuxuu ka soo horjeedaa Daarood danihiisa. Tan ugu daran wuxuu ku talaabsaday wax uusan nin Somali ah oo dalkiisa wada jirkiisa raja ka qaba Farmajo intuu la shiray beelaha Isaaq baa waxaa shirkaas lagu magacaabay waxaa shiraya SOMALIA IYO SOMALILAND. Tan xigta waxaa jidha in ciidamo Somali ah tobabar banaan ka loogu diro coidankaasi hal beel buu khaas u yahay markii afar meelood la yiraahdo nus half ma dhama. Wuxuu kaloo LIDI ku yahay dhulka Daarood in intii isheysatay sii kala dhantaalo GOBALKA GEDO. Marka anigoo Daarood ah oo geeska Africa ku jooga xaniinyahayga oo afarta gees meeshii la’iga soo geli karaba la rabo in la’iga soo galo maxaan ku qabaa ama kursiga aan ugu celiyaa nin hilmaamay wixii la soo maray iyo waxa hada taagan kaas oo ah Farmajo Somali baa horay tiri “bahdii diid bahal baa leh” cidna igama Somali sana dadkeygana dadka waa ka aqaanaa ama nin seexday sacii dibi dhal waxaan filayaa inaad garan karto inaan isku dan nahay.

    Reply
  3. Nuuraani

    @ Jirac walaal is haas ka tuurtay ini Farmaajo waa shisheeye kal kaal wax loogu eexdana maleh Daaroodna isagaa kala diray isku diray. Sidaad sheegtay dhulkii Daarood oo dhan dab ayuu ka shiday waana danbiile. Hadii marka walaalaha Daarood ay keenaan shaqsi wanaagsan oo Daarood ah dadkana isu keenaya sharaf iyo karaamo leh somalina ka gadmi kara keena wuxuu noqon doonaa musharaxa Puntland iyo Jubaland ay wataan ugu fursad fiican, laakiin tolow naga daaya ini fargaajo nagana xishooda.

    Reply
  4. Nuuraani

    @ Jirac afkaaga caano lagu qabtay walaal, thanks ? walaal waad ogayd ini Farmaajo 2018 markuu Puntland yimid sidii loo soo dhoweeyay ee aan masuul isaga ka horeeyay loo soo dhowayn, issgoo aan xitaa istaahilin oo aan Puntland waligii tegin xataa markuu priminister ka ahaa ayaa laga tumay aadna loo karaameeyay si xad dhaaf ah, waliba aan ku xasuusiyee maalmahaas waxay ahayd maalmihii ini Cabdishakuur ku yiri marti ayaad ku tahay Muqdisho! Hadaba waxaa is waydiin mudan muxuu ini Farmaajo ugu bedelay Puntland hiilkii ay u gashay iyo sidii loo sharfay isagoon ka istaahilin? Ini Farmaajo wuxuu ugu bedelay dagaal iyo kala qaybin, cuna qabatayn iyo caruurtii Puntland oo uu ashahaadadii u diido iyo dhibaatooyin kale oo badan. Ini Farmaajo Daarood kii kalena dagaal ayuu ku qaaday Jubaland waa kala firdhiyay diyaaradihii ayuu ka xiray sidoo kale Gedo dagaal ayuu ka riday, harti waqooyina muse bixi ayuu hoos geeyay. Ninka noocaas ah in maanta la yiraahdo waa Daarood waxaan filayaa wax ina qabta maaha waa hadii la doonayo wada jirka iyo midnimada Daarood.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*