27th November 2022  admin  Category :

Waxaa soo gabagaboowday codbixintii doorashada Kenya, waxaana la filayaa in natiijada doorashada lagu dhawaaqo muddo 4 cisho gudahooda ah. Doorashada maanta ayaa waxaa u diiwaan gashanaa ineey ka qeeyb qaataan dad tiradooda lagu qiyaasay 19 milyan oo qof. Hadaba, labada nin ee u tartamaya kursiga madaxtinimada ee kalla ah Raila Odinga oo jira 72 sanno iyo Uhuru Kenyata oo da’diisu tahay 55 sanno ayaa sidoo kalle aabayaashood waxeey dalka Kenya ka soo noqdeen madaxweeyne iyo madaxweene ku xiggeen markii xoriyadda ay Kenya qaadatay kadib.

Doorashada ayaa waxaa goob joogayaal ama indha indheen u jooga in ka badan 4,000 oo qof  oo ka kalay yimid wadamo kalla duggan oo ka tirsan adduunka oo ay ku jirto dalka Soomaaliya. Doorashadan ayaa lagu tilmaamay ineey ka wannaagsan tahay doorashooyinkii horray loo qaban jiray marka laga eegayo qaabka loo maamulay, balse waxaan la garaneen natiijada ineey noqon doonto mid xallaal ah iyo in kalle. Intaa waxaa dheer, lacagta doorashadan ku baxeeysa ayaa lagu qiyaasay lacag ka badan 1 billion oo doolar.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*