26th April 2024  admin  Category :

Xaaladda gobolku ku  jiro yaan loo ogolaan Diyaarado  ka soo dega degmada  Badhan.

Degmada Badhan ee gobolka Sanaag ma laha garoon  diyaradeed ee qalabaysan,   shaqaale u tababaran iyo Radaar Diyaaradeed , sidaas awgeed lama ogaan karo Sumadda diyaaradda ka soo degta, meesha ay ka soo kacday iyo waxa ay wado oo ay ku raran tahay, aan ka ahayn waxa loo sheego bulshada reer Badhameed

Marka hore  qaybo ka mid ah  gobolka Sanaag waxa ku sugan argagixiso caalami ah oo u baahan dhaqaale iyo saanad uga timaada meelo ka baxsan gobolka Sanaag. Waxaana  dhici karta in diyaarada lagu sheego  inay Qaad wado . hase ahaatee ay   faraha kula jirto howlo ka waaweyn Qaadka ,oo ay  argagaixiso u raran tahay gacana ay  siinayaan ama daah saarayaan  maamulka Hargaysa ujeedadda  ay diyaaraddu  u socoto

Marka labaad  Garoonka Badhameed ma laha Raadaar, qalab iyo shaqaale tababaran oo ogaan kara in diyaaraddaha  Badhan ka soo degaa ay  ka soo kaceen  Baydhabooo ah xarunta  gobolka Bay  ama Beer ee gobolka Togdheer iyo  waxa ay ku raran yihiin  . Garoonka Badhameed haddii ayna joogin shaqaale  xirfad  u leh dhaqdhaqaaqa  diyaaradaha iyo dhaqanka  argagixisada iyagu wixii loo sheegoba waa qaadanayaan

Marka sadexaad  dhulka u dhaxeeya Badhan iyo Boosaaso , oo la sheegay in qaadka  la sii  dhex marinayo maaha  dhul ay ciidan joogaan, oo lagu  ogaan karo wax la dhigay iyo cid ku degtay. Taasina waxay khatar ku tahay amniga gobolka.

Marka afraad dadka leh garoon diyaaradeed ayaa Badhan ka jira oo shaqaynaya,  waa kuwa u shqaeeya, taageera maamulka Hargaysa oo gacanta siiya alshabaabka ku jira Buuraha Calmadow. Waa kooxda ku awr kacsata Majeerteen ayaa cuna qabatayn inagu haya. Waa kuwii arinta Galgala markii ay bilaabantay la saftay maamulka Hargaysa oo maanta gobolka ka dhigay sida uu yahay

Ugu danbayntii Dhalinyarada Badhameed uma baaha qaad ay cunaan sida ay inoo sheegeen ee waaxy u baahan yihiin Garoon kubadeed oo  ay jirkooda iyo maskaxdooda ku dhisaan. Bulshada lagu soo duulay ee reer Sanaag ma qabaan   baahi diyaaradeed   ee waxay u baahan yihiin waa  amni sugan si ummadaha kale,  taasina waxay ku iman kartaa a in la ilaaliyo dhaqdhaqaaqa gobolka dhanka badda, dhulka iyo Cirka.

ALLSANAAG.COM

https://allsanaag.com/badhan-iyo-garoon-diyaaradeed/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*