8th February 2023  admin  Category :

Waa maxay sababta Siyasiyiinta Hawiye had iyo jeer u tageeraan sharci darada iyo Qaran dumiska.

Maamulka Falaagada ah ee Somaliland, oo sheegta inay Soomaali inteeda kale ka go’een ayaa maanta xariga ka jaray qaybo ka mid ah dekedda Berbera oo ayna dawladda Soomaaliyeed haba yaraatee waxba kala socon

Booskii dawladda Soomaaliya maanta waxa buuxiyey Xabashi iyo Oromo uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, oo doonaya qaybo ka mid ah Qarankii Soomaaliyeed inuu ugu Awr kacsado Dir land, taasna ay gacan ku siinayaan Siyaasiyiinta Isaaq

Xafladdii dib u habaynta dekedda Berbera oo ka mid ah Hantidii Qaran Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ka maqnaa oo la rabay inay joogaan oo iyagu furaan, canshuurtana ka qaataan

Wasiirka wasaaradda Dekedaha & Gadiidka Badda Maryan Aweys Jamac

Gudoomiyaha Aqalka sare oo ka soo jeeda degaanadaas

Raisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaanadaas

Xildhibaanada beesha Isaaq ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

Wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada beesha Isaaq ee ka mid ah dawladda Soomaaliya,

Safiirka Soomaalida u fadhiya Itoobiya.

Inta aan kor ku soo sheegay waa sida ay dawladnimadu u shaqayso iyo sida ay maanta ahaan lahayd haddii ayna beesha Isaaq Dawladnimaddii Soomaaliya ayna ka sarayysiiseen Dir iyo Qabyaalad.

Iyada oo intaas oo dhami ay jirto ayaa siyaasiyiintii Hawiye waxay arki waayeen Amxaarada ku baashaalaysa Berbera oo hantidii Qaranka Soomaaliyeed ka dhigaya inay iyagu leeyihiin, oo waxay eed uuna mutaysan oo iyagu markii horeba ka danbeeyeen ku miisayaan Farmaajo oo ay leeyihiin muxuu sharciga ugu sii tuman waayey. Maxaa haray oo siyaasiyiinta Hawiye ka doonayaan inuu Isaaq u qabto ma inuu u aqoonsado DAWLADNIMO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*