26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Caddaalada oo ka hadlay dil shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay dil uu mid ka mid ah ilaaladiisa u geystey Agaasime Waaxeed ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Wasiirka Caddaalada ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabduqaadir Cilmi oo ahaa Agaasimihii Waaxda IT-da ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

“Xilligii uu falka geysanayay askariga kamid ah Ilaaladayda lama aan socon,balse waxa uu marayaa caddaalada maxkamad ayaana lahorkeeni doonaa.”ayuu yiri Wasiirka Caddaalada.

Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in askariga ka tirsan ilaaladiisa uu ku xiran yahay Xarunta Baarista Ciidanka Booliska, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.

Ugu dambeyn Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Wasiirka ugu baaqay inay ka digtoonadan inay hubka ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba-galabsan, xili Ciidanka ay si bareer ah shacabka ugu dilaan Magaalada Muqdisho xiliyada qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*