26th July 2024  admin  Category :

Madaxwaynaha Maraykanka  Mr,Trump ayaa waxa la waydiiyey suaal ku saabsan madaxda Africa,wuxuu ku jawaabey waa Dhurwaayo ku dagaalama cashuurta ay ka qaadeen shicibkooda.

Maxaan oran karnaa madax gobleedyada Soomaliya dhaqankooda anshaxa xun iyo dabamarka sharciga wadanka guud ahaan, gaarahaan kan Dawlada dhexe iyo kan Gobolada ,waxa ay sameenayaan oo ah ,Qaran dumis Cadaaladxumo,Musuqmaasaq,kalaqaybin,Horumarla’aan ,Shaqola’aan,Amaandaro,Laxisaabtanla’aan iyo masuuliyad daro,kala damayn la’aan iyo qaar kaloo badan .

Image result for hyena and cats

Waxaa muhiim ah in la is waydiiyo waa maxay dawlad iyo shaqada masuulka ? Dawlad waa qoon isu tegay ama wadan buuxa ha ahaado ama Gobol ama Degmo iwm oo ku tashaday in ay maamul iyo nidaam samaystaan si ay isu xukumaan kaasoo u ogolaanaya in ay magcawdaan ama doortaan masuuliyiintii hawshaa u wadi lahayd sidaa darteed dawladu waa shicibkaas samaystay nidaamka iyo horjoogaha (Masuulka) wadaya hawsha Masuulka waa hogaamiyaha ay doorteen shicibku waana adeegaha umada, shaqadiisuna waa horumarinta wadanka ama gobolka in uu keeno, Amaan sugan Ilaalinta SHarciga, Cadaalad ,Sinaan DHaqaala abuur(kobcin),kor uqaadista Waxbarashada ,Caafimaadka, Kobcinta Beeraha, Isgaarsiinta Cirka,DHulka,Badda iyo kuwo kaloo badan.

Maanta waxaan aragnaa Masuuliyiinta dawladgoboleedyada Soomaaliya in ay ku guuldaraysteen shaqadii loo idmaday iyagoo toos isaga indha tiraya waxayna samaynayaan waa arimaha aan kor ku soo xusnay kana soo horjeeda Diinta islaamka iyo Biniaadanimada maxaakeenay in ay sameeyaan shaqo aan loo idman maxaase u fududeeyey .

Dhwr arimood ayaa keenay in ay wado khalad ah maraan.

1- Huguri ( greed ) waxay gacanta ku dhigeen ilihii dhaqaalaha si buuxdana ula wareegeen.

2-Awood (power)waxay kaloo lawareegeen awoodii Gobolka in ay ayagu qofkay rabaan magcawdaan iyadoo aan la eegin aqoonta iyo khibrada qofkaas,kii ay rabaana eryaan markay dantooda ku fushadeen .

3-Kala qaybi oo xukun waxay ka faaiideesteen barnaamijkii four point five (4.5) waxay ku guulesteen in ay bulshada kala qaybiyaan jiifafka qabiiladana dhaqaale ku kaxaystaan si ay u wasaqeeyaan sharaftooda ,taasina waxay keentay in koox yar oo isku qabiil ah iyo kuwa ay wadan karaan oo dabadhilif ah ay gacanta ku dhigaan awooda Gobolka .

Xageey aadeen Dawladii ama shicibkii masuuliyiitan keenay oo masuulka ka ahaa ee shaqadan u idmaday ama u dhiibtay. Gumeestihii ayaa wxuu inoo keenay falsafad ah qaybi burburi xoogooda si aad u xukunto waxaa Africa looga tegay laba arimood oo ah

A- QABIIL loo isticmaalay (Qabyaalad),B- DIINTA, oo ahayd (Muslim iyo Masiixi) labadaasina waxay noqdeen dhaxalka qaran dumiska Africa,hadaba Somaaliya waxaa looga tegay oo dhaxal u noqtay waa Qabiil ku salaysan qabyaalad macnaheedu yahay reer hebel baa tahay ee reer hebel iska ilaali Ingriisku wuxuu adeegsan jiray jiifis ama jiifaf(chiefs) iyadoo taa laga faaiidaysanayo ayaa maanta waxaa ina ku soo biiray firqado kala aragti duwan oo ka yimi dhinaca diinta ,shicbkii awooda lahaa waxuu noqday in culimada ,Aqoonyahanada,dhalinyarada ,Rag iyo haween lakala qaybiyo si ay danahooda boobka hantida umada ah u fushadaan .

Waxaa kaloo la waayey Dawlad dhexe oo awood leh oo ku fulisa sharciga ay jebiyeen ,sidaa darteed madaxa dawlad goboleedka waxay noqdeen dhurwaayo hortaagan horumarka dalkooda iyo dadkooda Waa calooshooda u shaqaystayaal dad iyo daltoona aan dan ka lahayn, Shicibkii masuulka ka ahaana waxaa laga dhigay bisado ku dagaalma cadka ciida loogu tuuro kii miyoow yiraahdana ama dhurwaa isu ekaysiiya waxaa loo tuuraa cad quudheed markaasu amusaa oo Bisadihiisii dib ugu noqdaa.

Qoraagu waa khabiir Soomaaliyeed

Mohamud.M.Hassan mhkamin@yahoo.ca

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*