26th July 2024  admin  Category :

 

Ilbaxnimada reer Maakhir iyo sida ay  u jecel yihiin horomarka Soomaaliyeed.

Degaano badan oo ka mid ah Soomaaliya,  maanta waxa xoog loogu  haystaa dhulkii ay dawladda Soomaaliyeed ay  gaarka u lahayd oo ka wada dhaxaysay guud ahaan  umadda Soomaaliyeed, Degaano kale waxa xoog lagu haystaaa   dhul iyo beero  ay gaar u lahaayeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed oo  xoog looga qabsaday .  Degaano kale sida caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ,  markii  Mashaariicdii Soomaali oo dhan loogu talo galay in laga hirgeliyo in iyaga  si qabyaaladaysan loogu soo qaraabo kiilay oo lo wada leexiyey wixii umadda Soomaaliyeed ka dhaxaysay  Muqdisho   sida mashaariicdaTurkiga Soomaalida oo dhan ugu deeqay . waxa dhacday in dadkii mashaariicdan sida eexda ah loogu keenay in iyaga Guutooyin ciidamo ah  looga  ilaaliyo inay dhibaateeyaan dhismayaashii  loo dhisayey   iyo in laga ilaaliyo inay dilaan ama qarxiyaan  Shisheeyihii mashaariicdan madaxda ka ahaa.

Laakiinse Bulshada reer  Maakhir oo dawlad buuxda oo la aqoonsan yahay lahayd, ka hor  maalintii Soomaali inteeda kale xornimada qaadatay 1960  ilaa qarnigii 12aad, iyagu waxay muujiyeen ilabaxnimo iyo macnaha dawladnimo wuxuu yahay

Maanta labada mashruuc oo ka mid ah mashaaeriicda ugu waaweyn ee laga hirgelinayo dalka Soomaaliya ayaa dawladda Puntland iyo madaxweynaheeda Dr. Cabdiweli  Gaas waxay  ka hirgelinayaan gobolka Sanaag. Labadan Mashruuc ayaa kala ah Jaamacadda Maakhir iyo jidka Ceel daahir iyo Ceerigaabo

Labada Mashruuc waxa ka dhigay inay hirgalaan oo si  xawaare ku socdaan , waa bulshada degaanka oo yar weyn qayb ka ah in mashaariicdan horumarineed ay ka  hirgalaan gobolka

Tusaalaha ugu fiican  waa  sawirka hoose oo ah gudoomiyiha gobolka Sanaag ee Dawladda Puntland Maxamuud Ciyoon, wuxuu ku sugan yahay magaalada Cawsane ee gobolkaas, oo dhowaan jidka Ceel daahir iyo Ceerigaabo soo gaarayo magaalada Cawsane . Gudoomiyihu isaga oo aan guutooyin ciidamo ah soo kaxaysan oo xoog wax ku muquunin, ayuu isaga oo keligiis ah waxa uu ka qayb qaadanayaa banaynta halka jiidku marayo. Dadkii danyarta ahaa buulkii ay deganaayeen in la dumiyo  waxay ka doorteen danta guud ee Bulshada

Image may contain: 1 person, standing, sky, child and outdoor

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa subaxnimo hore kala qayb galay masuuliyiinta reer Cawsane oo jidka magaalada dhex mara ka bannaynaya dhismayaasha sharci darada ah ee bushashka iyo sandaqadaha , si ay ugu gogol xaadhaan wadada oo aan sidaas uga fogeyn magaalada Cawsane.
Madaxa Magaalada Cawsane Daahir Ciise Warsame ayaa guddoomiyaha u sheegay in bulshadu si rabitaan ah ugala shaqeeyeen duminta iyo furfurida dhismayaasha wadada hareereheeda ah, taasina waxay ku tusaysaa sida dadku diyaar ugu yahay wadadaas.
Waxa xusid mudan in dhowaan ceelbiyood laga bilaabay degaanka Cawsane , kaas oo wax weyn ka tari doona shaqada dhismaha wadada .
Bulshada reer Sanaag ayaa u hanweyn hirgelinta wadadaas , Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas na uga mahad celiya sida uu ugu dhiiradey dhismaha wadadaas

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*