27th July 2024  admin  Category :

Itoobiya iyo SNM oo kala saxiixday xaraash dhuleed

Itoobiya iyo maamulka SNM ayaa maanta kala saxiixday heshiis u saabsan xaraash dhul Soomaaliyeed

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in kulankani uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso riyadeedii ahayd inay marin ka hesho Badda Cas.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in is-afargadku sidoo kale uu u oggolaanayo Itoobiya iyo SNM inay xoojiyaan iskaashigooda amniga, dhaqaalaha iypo siyaasadda.

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada maamulka SN ayaa baahiyey codka Hogamiyahooda Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasabadda saxiixa oo sheegay in dhinaca beesha Isaaq ay aqoonsi ka helayaan Itoobiya marka la saxiixo heshiiska, inkatsoo aanu sheegin goorta la saxiixayo.

“Waxaa inoo farxad ah oo aan uga mahadnaqayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo itoobiyaba sidii aan ku heshiinay ee ku qoran halkan, in annaguna aan u oggolaano 20KM oo bad ah, iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan oo ay qaranka Somaliland dalwaddii ugu horraysay ee na aqoonsata noqon doonaan marka la saxiixo heshiiska,” ayuu yiri Muuse Biixi.

“20KM ee xeebta ee ciidamadooda aynu u oggolnahay inay degaan

Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo kaidb markii Xasan Culusoow iyo biixi ay heshiis aan la aqoon ku gaareen magaalada Jabuuti

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*