21st May 2024  admin  Category :

“Badda cusub” ee Soomaaliya ka dilaaci karta ee kala qeybin doonta qaaradda Afrika

Bad cusub ayaa ka soo baxaysa Afrika sida lagu sheegay daraasada cusub, i waxaa loo malaynayay in ay tahay natiijada geeddi socod qaadan doona inta u dhaxaysa 5 ilaa 10 milyan oo sano, laakiin natiijooyin cilmiyeed cusub ayaa tilmaamaya in tani ay dhici karto si ka dhakhso badan sidii la filayay.

Cynthia Ebinger oo ah Cilmi baare ka tirsan jaamacadda Tulane ee dalka Maraykanka sidoo kalena ah bare oo maaddada jiyoolajiga dhigaysay ilaa 1980-meeyadii ayaa tiri “waqtiga badda cusub la arkayo oo markii loo maleeynayay in muddo dheer ay qaadan doonin hadda waxaa la filaya in 1 milyan oo sano ama ka yar lagu arki doono”.

Sida laga soo xigtay shabakadda Google, Ebinger waxaa ay qortay maqaallo ka badan 16,000 kuwaasoo lagu daabacay joornaallada sayniska waana khabiiradda tixraaca iyo gundhigga u ah maaddada jiyoolajiga iyo deegaanka adduunka.

Sanadka 2023, waxaa la daabcaday 17 qoraal, kuwaas oo intooda badan ku saabsan kanaalka cusub ee badda ah ee ka dillaaci doona gobolka Canfarta, ee ku yaal xudduudaha saddex oo ah mid aan ka fogayn Soomaaliya.

Xeel dheeryaasha cilmiga juquraafiga ayaa sheegay in badda cusub ay si gaar ah loogu arki doono dalalka Bariga Afrika, waxaana laga sameeyay cilmi baaris kala duwan.

Daraasadda la sameeyay ayaa waxa lagu lafo-guray falkii magma-ga oo ahaa dhul-beereedka Itoobiya ku yaal halkaas oo ah meel ay folkaano ka dhacaday taas oo socotay muddo 45 milyan oo sannadood ah.

Waxa kale oo ay tilmaamtay cilmi barista in“magma-ga ay tahay halka ugu badan ee badda cusub kasoo bixi doonto.

Ballaarinta Badda Cas iyo labo qaaradood

Cilmi baarayal k
Qoraalka sawirka,Cilmi baarayal ku sugan Itoobiya

Badda cusub ayaa markay dillaacdo waxaa qaaradda Africa ay noqon doontaa laba qaaradood, kuwaas oo kala ah, Qabcad Nuubiyaan (Nubian plate) iyo Qabcad Soomaali (Somali plate). Kadib waxa kala qaybin doona bad yaroo cusub oo dhexdooda ka samaysmi doonta.

Badda cas ayay khuburradu tilmaameen in ay halka ay tahay hadda ay ka durkayso ayada oo sanad kasta guurta 2.5 sentimitir, halka dhulka Soomaalida iyo dalalka dariska ah ay dhulkooda sidoo kale guuraan nus sentimitir waan sababta keentay laga cabsi qabo in qaaradda u kala qaybi sami doonto laba qaybood.

Biyo aad u badan oo milix ah aya ka imaan doona Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed kuwaas oo Badda Cusub noqon doona sida lagu sheegay daraasadda.

Dhulgariirkii ka dhacay dalka Itoobiya sanadkii 2005-tii ayaa lagu sheegay cilmi baarista in lagu arkay caddeymo badan oo arrinta xoojinaya.

Gobolka Canafarta ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay in xilligas uu ka dillaacay dhul dhan 60 kiiloomitir oo ka mid ah meelaha lagu laga cabsi qabo.

Daraasad la daabacay 2009-kii, oo uu hoggaaminayey Atalay Ayele, oo ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa, Itoobiya qaba argti ah in kala go’a qaaradda uu yahay mid dhaw.Waxaa laga yaabaa in tani ay dhacdo si ka dhaqso badan intii la filayay

Itoobiya
Qoraalka sawirka,Gobolka Canfarta dalka Itoobiya

Bishii hore, Ayele iyo Ebinger waxay ka mid ahaayeen koox sagaal saynisyahano ah oo daabacay daraasad lagu daabacay joornaalka Tectonophysics oo soo bandhigay qaabka 3D ee ficilada juqraafiga ee ka dhacaya gobolka.

Natiijooyinka waxa ka mid ah, in ay ogaadeen qolof cusub oo ka kacay dhulka iyo lakabka hoose ee dhulka gobolka Canafrta oo jilicsan.

“Dhacdooyinka daran waxay soo dedejin karaan habka furitaanka dildilaaca iyo helista marinka biyaha cusbada,” ayay tiri saynisyahannad Cynthia Ebinger, oo wareysi siisay BBC-da.

Waxay hadda ku qiyaastay in ay qaadan doonto wax ka yar hal milyan oo sano soo ifbaxa badweynta cusub ee ka soo baxi doonta biyaha Badda Cas.

“Dhibaatada ayaa ah in sayniska hadda jira uusan si sax ah u saadaalin karin dhacdooyinka sida qaraxyada foolkaanaha iyo dhulgariirrada.” Ayay hadlkeda sii raacisay

Cilmi-baaris lagu sameeyay khaladka weyn ee ka dhashay saxaraha Itoobiya ayaa ujeeddadeedu tahay, ka sokow ka jawaabista su’aalaha ku saabsan dhacdooyinka la filayo inay dhacaan boqollaal kun oo sano kadib , in la abuuro hanaan awood u leh inay si sax ah u saadaaliyaan masiibooyinka deegaanka mustaqbalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*