26th July 2024  admin  Category :

Maamulka Hargeeysa ayaa fasax ku bixiyey in la soo saaro lafo dad oo ku aasnaa qabuuro ku yaal magaalada Berbara. Dadka ku aasan qabuurahaas ayaa lagu sheegay ineey ahaayeen dad Daarood ah ama (Faqash) ah sida ay beeshaas u taqaan.

Maadaama ay Daarood yihiin dadkaa qubuuraha ku aasan, waa sida ay sheegeen siyaasiyiinta iibiyey dhulka ayaa loo diray shaqaale si lafahooda ay bannaanka ugu soo saaraan, oo dabadeedna dhulkaa loo isticmaalo; sidaa darteed, dhulkaas qabuuraha ah ayaa laga iibiyey nin ganacsade ah.

Maamulka SNMta ayaa iibsaday inta badan hantidii dawladdii dhexe ay ka tagtay, maantana waxaa la sarifayaa waa qabuurayaashii dadka ay ku aasnaayeen iyadoo dadka loo sheegayo in dadkaas ay ahaayeen Faqash ama Daarood si dhulka loo xallaashado.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*