10th April 2026  admin  Category :

Dhowr iyo soddon sano kadib ayuu soo celiyay lacag uu “si khaldan u isticmaalay oo ay dowladdu lahayd”

Dhowr iyo soddon sano kadib markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya muwaadin Soomaaliyeed ayaa waxa uu go;aansadayin uu dib usoo celiyay lacag uu sheegay in ay si qalad ah ugu baxday.

Muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Iimaan Suudi Ducaalle ayaa waxa uu tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Belguim halkaas oo uu sheegay in uu tagay in uu lacag ku wareejiyo Safiirka Sooomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub Khadiijo Cosobe Cali

Lacagta uu muwaadinkaasi wareejiyay ayaa gaareysay 4400 Euro taas oo u dhiganta ($5000) waxa uuna sheegay lacagtaas in ay si qalad ah ku u gashay xilli uu ka sahqeeynay dekadda Magaalada.

Iimaan Suudi Ducaalle oo ka hadlay munaasabadda uu lacagtaasi ku wareejinayey ayaa sheegay in kuu nool yahay waddanka Belguim isagoo sheegay in xilligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre uu ka shaqeeyn jiray dekadda magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta howlaha maraakiibta halkaas oo uu u shaqeeyn jiray xafiis lacageed.

Iimaan Suudi waxa uu sheegay in si qalad ah uu u isticmaalay waxoogaa lacag ah, ”qofku waa uu qaldami karaa , qalqdakiisana waa u kasoo laaban karaa” ayuu sheegay isagoo intaas ku daray Iimaan Suudi in uu go’aansaday in uu lacagtaas dib ugusoo celiyo dowladda ”in aan lacag gaareysa 4400 Euro uu ku wareejiyo Safiir Khadiijo Cosoble taas oo u dhiganta $5000″ ayuu yiri isagoo intaas ku daray ”in uu rajeeynayo in uu Alle ka aqbali doono cibaadada uu sameeyay”.

Iimaan Suudi ayaa ugu baaqay in dadka hadda hayo howlaha umadda iyo dhaqaalaha bulshada in aanay ku takri falin ”30 sano ka badan wixii aan qalday markii aan yaraa ayaan hadda bixinayaa” ayuu sheegay Iimaan.

Munaasabadadda uu lacagtaasi ku wareejiyay oo ka dhacday Safaaradda Soomaaliya ee Belguim ayaa waxa iimaan lacagtaasi ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee dalalka Benelux iyo Midowga Yurub, Khadiijo Cosobe Cali

Munaasabadadda uu lacagtaasi ku wareejiyay oo ka dhacday Safaaradda Soomaaliya ee Belguim ayaa waxa iimaan lacagtaasi ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee dalalka Benelux iyo Midowga Yurub, Khadiijo Cosobe Cali.

Safiir Khadiijo Cosoble oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay tahay in Iimaan Suudi lagu daydo islamarkaasina qof kasta oo qaranka lacag si qaldan uga qaatay ay tahay in uu soo celiyo ,waxayna Safiir Khadiijo Cosoble sheegtay in ay lacagtaas ku wareejineyso waaxda dhismaha ee safaaradda Soomaalida ee dalalka Benelux iyo midowga yurub si qaranka wax loogu qabto, dib u dhisna loogu sameeyo safaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*