18th April 2024  admin  Category :

Sidee loo dhaqan celin karaa Waraabe,Halgan iyo inta ay duufsadeen. BY: JIRAAC

Bismillahi Al-Rahman Al-Rahim. Webka ALLSANAAG maanta iga raali ahaada fadlan post gareeya taladeydaan aniga igu goonida ah.

Shaqsiyan waxaa iigu danbeysay arimaha Somalida 2012 kii iyo 2017kii in yar oo kooban xiligii Hassan Sheikh uu somaia madaxweyne ka ahaa iyadoo aan sidaas ka ahay information la’aanta bulshada somaliyeed dhexdeeda ayaan dib ugu soo noqday inta lafadhiyey guryaha ee xanuunka COVID-19 ee safmarka ah inaan media ha somalida eego ama aqriyo ama Waad iska garan kartaan xifiltan wuu imaan ama wax dhibsi. Waxaan arkay 2020 in somalida uu aad ugu badanyahay “Racism ka” walina la taaganyahay 1991,2006,2012.

Marka xiga waxaan raali galinayaa bulshada Somaliyeed ee degan Somaliland khaasatan beesha Reer sheikh isxaaq waxaan rajeynayaa inay i fahmtaan qoraalkaygana iinan la dhibsan waayo waa dadkanagii waana iga wax toosin ee igama ahan laablakac wixii xun in la’isku baraarujiyana waa xaq “Haddad aan wanaagsaneyn aragto wax ka qabo, hadaadan wax ka qaban Karin ka dhiidhi ka mudaharaad, diinteena suuban baa Ina fareysa xafiltanka dhexdeena ah waa wax jira jiraya jiridoona.

Waxaa igu kalifay inaan isbedelo waxaan fahmay siyaasiyiinta Somalida in dhiiga shacabka iyo dib u dhac mid dad, iyo Deegaan toona ay-ayn u fekerin western ka mark ay Somalida Iin u raadinayaan waxay dhahaan “They’ve the lowest IQ” aduunyada waxaa ugu liita waa siyaasiga Somaliga ah iinta IQga waxba kama jiraan. anigoo mar labaad raali gelinayo mulkiilayaasha iyo shaqaalaha shakakeda ama meteegaha ALLSANAAG.com inaan talo wax ku ool ah ee aan aheyn laablakac oo aan wax ku toosinayo inaan soo jeediyo baan doonayaa si Deegaanada ama dhulweynaha Somalida the horn u horumaro

1.Dhalinyaradaas Somaliyeed ee ku nool Burco, Hargeysa, iyo Berbera inta loo kaadiyo Somalida inteeda kale si xal wanaagsan loo gaadho in Dowlada Somaliyeed iyo dowladaha xubnaha ka ah si wada jir ah ay lacag ku bixiyaan in 2000-5000 oo dhalinyaradaas ah pasport iyo viso loo gooyo loona kireeyo hotels 5* ah Europe, North America, Middle East, iyo China lasoo marsiiyo si loo tuso dadyowga aduunka siday u noolyihiin, dalalkooda u dhisteen, siduu wadanba wadan intuu ka weynyahay oga dhaqaale iyo horumar badanyahay intii ay dhageysan lahaayeen dadkaan xanuunsan ee dhalintaas badbaadinteeda Waa waajib na wada saaran awal waxaa igu jidhay hala xakameeyo isir neceybka iyo dhiiiga umada Islam ka ah ee iska daadanaya macno la’aanta baan ka damqaday oo qaarkood masaajida lagu dhexdilayo ee xargaha goostay si loo xakameeyo.

2. Waxan ogaa “Dahabshiil” inay Somali ugu taajirsaneyd in account laga furo si loo baro dhulkooda ee aan cidi ka lahayn buses waaweyna la’iibsho si fiicana loogu soo dhaweeyo meelkasta oo dhulka somaliyeed ah si ay u fahmaan dhulkooda lana baro khaasatan magaalada “Wanlaweyn iyo Mogadishu”inay tahay magaalo Somaliyeed oo qurux badan oo wanaagsan deganyihiin dad somaliyeed oo wanaagsan iyakuna ay wax ka leeyihiin si cunsurinimada looga jaro loona xakameeyo mudada dheer lagu akhrinayey.

3. In Faisal Cali Waraabe retirement lagaliyo in definitely waayo waaba dhaafay oo aanan warkiisa la buunbuunin khaasatan media ha Somaliland Umadii ayuu badan kala fogeeyey Lana cafiyo waayo waxaa igu jirtay fikir ah dadkaan inta ay yihiin SILIG ama Derbi ha’laiskaga xidho fikirka noocaas ah waan ka noqday in definitely waana qalad iyo gef aan loobahneyn waayo way ii cuntami weyday 2020-2021 in wali dadka noocaas ah Somalida horjoogaan ama ladhegeysto jiilkii asaagood la tartami lahaa hadii ilaa 1991 ay hortaaganyihiin ma gudbayaal cunsuriyiin ah ragaadiyey dadkii iyo Deegaankii waa in dadkeenu u koraan sida bulshootinka kale ee dunida una fekeraan ama Latin aadan siday wax ula qabsadaan ee aan asaagood u yeelan iyaka dad ay awooweyaashood quudinjireen si looga gudbo dib u dhaca DAD, iyo DEEGAAN ee dadkeena Somaaliyeed ku habsaday.

In dadaalka la Sadex Jibaaro inta wax garadka ah waa waajib in odayada da’dadooda 67 jir dgaaray dhamaantood la retire gareeyo si dib u dhaca Somali ku habsaday mid mask ax iyo mid Deegaan looga bedbaadsho dhalintaas mustaqbalkooda si ay naftooda, bulshadooda, iyo dhammaan bulsho weynta Somali u anfacaan ulana tartamaan asaagood. Walaayaal halala dagaalo CUNSURINIMADA, isir naceybka, Dagaal oogaha, iyo DIIN ku cayaaraha aanan dhaqanka u laheyn xalkana in la doono ee aan si qaldan loo deyin.

Walaahi waan ku faanaa SOMALINIMO lkn dis-moral ama depress baad noqon markaad aragto waxaas aan dhamaadka lehen ee la degay dadkeena iyo dalkeenii Hooyo ilaa iyo 1986kii sodaan Aabahey ka maqlay in somalia burburtay kohor 1991. Walaahi anigan waligay Mogadishu ma tagin waxaan u arki jidhay in dhiig Islam ii soo urayo hadaan tago igumana soo dhicin abid xataa transit ku mar why? Fikirka aan ka qabay ayaa ahaa sidaas iyo in beelweynta Hawiye oo dhan iyo beesha Isaaq yihiin dad xun oo dhiigyacab ah it was solely my opinion ila eega laakiin waxaan fahmay dadka somaliyeed inay yihiin innocent people oo aad u wanaagsan, dagaalo kharaar dhaceen, dalal badana soo mareen waxna ka barteen kana gudbeen oo dadkooda, dalkooda iyo Deegaan kooda horu mariyeen.

“Diwlada Somaliland ha noolaato, Somalia ha noolaato, puntland ha noolaato, jubaland ha noolaato, Gal-Mudug ha noolaato, KG ha noolaato, Hir-Shabee ha noolaato, Banadir ha noolaato, Djibouti ha noolaato, Northern frontier ha noolaato, Somali state or Ogaden ha noolaato Somali oo dhan ha noolaato, ha horumarto, ha ka gudubto caqabadan goos have xun diinteena suuban iyo dhaqankeena suubana Allah hanoo xifdo dulmigana Hala diido, Hana la’is cafiyo ilaahay dartiis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*