28th March 2024  admin  Category :

Dhalinyarada Somaliyeed iyo Doorka shaqooyinka.Fallo WQ.Saxafi Maxamed Axmed Ciise

Tan iyo wixii ka dameyey burburkii dowladii dhexe Ee dalka Somaliya waxa soo ifbaxayey Nidaamyo kaladuwan oo aan dhaxlayn qaababkii hore ee Nolosha dalka wixii ka horeeyey sideetameedyadii,Hadaba Waxaan Cilmi baaris ku sameeyey oo si qota dheer u Odorosay kaalinta Shaqo ee dhalinyarada Somaliyeed oo kacaan ahaan Anigu aan ka mid ahay,Waxaan tegey Magalooyinka Dalka sida Muqdisho, Kismaayo,Hargeysa,Gaalkacyo ,Garoowe, Ceerigaabo, Burco iyo meelo kale,Waxaana Intabadan Daraasadayey doorka de’yarta Guud ahaan Gobolada dalka iyo Farqiyo u dhexeeya bal Inay jiraan,Waxaana Qoraalkaygan rabaa Inaan ku iftiimiyo 2 Arrimood oo qeexaya inay yihiin kuwa ugu samaynta badan ee Sababa halista mustaqbal xumo iyo Shaqa la’ aaneed ee de’yarta oo ku kala nasiib badan waqtiyada barbaartooda iyo isbedelka wacyiga oo kala wacan waqtiyada qaarkood kaalimaha waxbarasho ama xirfad hagta Yoolkooda.

1. Waxaa dhacda Inaaney helin dhalinyaradu waxbarasho kufilan iyo Awood la’aan Dhaqaale oo aan saamixin inuu isdabiro ama sifudu shaqo kuhelo.

2. Waxay ka Cowdaan dhalinyarada waxbaratay ee waqtiga dheer kharashka loo huray iyo Waqtiga Inaysan helin fursadihii ay Xaqa u lahayeen luguna qiimayn Aqoontooda wixii ay barteen oo nin aan Weligiis buug wax ku Qorin uu uga hormaro shaqadii uu qaban lahaa Isagoo loogu Eexanayo Qabiil iyo garabayshan taas oo dhaawac iyo niyad jab ku Abuurikarata waqtigii iyo dedaalkii aqoneed ee ruxaasi dedaalka dheer ugalay lugu tilmaamikaro Eex Ama Cadaalad daro aanu ka halin dadkiisa Somaliyeed.

Waa kuwo baahay Dhibaatoyinka shaqa’laneed Ee dalka ka jira waana kuwo Inbadan weeciyey Mustaqbalka jiilal badan oo Nolosha Qawadey ka gadaal dib_u socod iyo moral xumo u saamixiweydey Yadidiilo taabagelisa Niyad Wanaaga iyo Firfircoonida Shaqsi ahaneed Ee k u teedsan hamiga ruuxa jecel hidise shaqsiyadeedkiisa oo aan sina uga fursan Inuu helo fursado shaqo noockastaba niyad ahaan hankiisu how jogee, balse Ma sahlana In qofwalbaaba oo si fudud u helo waxa uu jecelyahay Inuu qabto iyo in markiiba uu dhaqso u helo Nolosho raxadeeda ka guuxaysa maankiisa midheheeda hanto.

Noocyada shaqooyinka ugu badan ee dhalinyaradu dalka ka hayaan.
Shaqooyinka ugu badan ee dhalinyaradu qabtaan waxay u badan yihiin badankoodku kuwo ganacsi Ama bulsho sida,Dukaamo,Bakhaado ,Darawalnimo iyo goobo kale 45% dhalinyaradu,Waxay ka midyihiin Maamulada Shaqaalaha dowlada Halka tira Intaas ka siibadana ay tahay ciidamada iyo kuwo muruqmaala Xamaali ka xoogsada nolol maalmeedkooda , Waxaa yar tirade xirfadlayaasha iyo kuwa danaya xirfadaha shaqo inay helaan dhiirigelin Ama goobo sahlaya barashada Xirfadaha shaqo oo sahli karta in markiiba ruuxu maaLgashi samaysto ama hore u dhexgalo Xayn daamka Yoolkiisa Nololeed ee uu ku taamayo xiliga uu yahay Baaliqa Qaangaadh.

Sababaha keenikara helitaanka shaqo Nadiifa iyo baahida loogabixikaroShaqa la,aanta
Intabadan Waxaa laysku raacay In hadiiba Qofku ALLE kacabsibadanyahay oo Akhlaqiyaadkiisu Wanaagsanyahay uusann ka war werikarin Inuu madmadow soo wajoho howl_maalmeedkiisa iyo Saxitaanka noloshiisa jadwalkeeda oo go’aankeedu yahay mid qudha oo gundhig u ah go’aankiisa oo ah Inuuyahay mid wanaagsan bulshadana sumcad ku dhexle,Sifahaas oo noqonkara ,Amaano,Akhlaaq wanaag,Sabur,Imaan ,wadaniyad iyo Qadarin taasina 80% waa mida keliya ay dad badan manta fahansanyihiin balse weli aan si guud loogu baraarugsanayn.
Samaynta uu yeelankaro muwaadinka saburka badan ayaa lugu tilmaamikaraa mid xagal daacinkarto casriga dame ee Cadaalada dad badan fahmaan iyo Abaalkiisa oo uu maalin soo moodo, Iyadoo taas ay garabkeeda saan qaadikarto midnimo guud iyo isku xidh dowladnimo si loo ragaadbixiyo cagaaga ragaadka badan ee wadna cadaadka ku noqday boqolaal waalidiina oo caruurtoodii dalka ka tahribeen khataro halisana wejeheen ,Iyagoon maal maskaxba kaga hagran helisa damac nololeedka ay dalkooda yga qexeen iyagoo doorbidaya noloshan mid ka debecsan.

Aragtin iyo Tala soo jeedin.
Aragti ahaan Anigu waxaan Aaminsanahay In dalka laga sameeyo shaqa Abuur ,Cadaalad iyo Sinaan si taa bedelkeeda loo hiigsado Qorshe yareeya shaqa la’aanta bahalnimada ah iyo kuwa lugu naasnuujinayo xuquuqda muwaadinka Aqoonta iyo Akhlaaqdale ee dusha lagalamarayo Qabyaalada iyo eexashada taas oo isaga qudhiisu aan Barakaad iyo manfac barakaysan siinkarin oo mushaakil badan oo uusan dareensanayn maalinba meel moshin uga soo fureysa ileyn waa xarig lama sitaane.

Fariintayda aan u dirayo jiilka Somaliyeed waa sidan,,Waxaan Aaminsanahay Anigoo waayo aragnimadaydu kor u dhaafayso sodon iyo dhowrsano inay de’yarta Somaliyeed Xooga Saraan WAXBARASHADA,Cilmiga Diinta dhaqanka Wanaagsan Asxaanfalida iyo Barashada cilmiga dadka saboolka ah oo ay tahay mida ugu Xasanaadka wanaagsan Ee Diinteena Islaamku ina farayso,ilaalinta IYO Adeecida baari ahaanshaha Waalidka ,kala damaynta Ehelka ixtiraamka madaxda dalka iyo In la joogtayo Shaqooyinka tabarucaadka ah six al loogu helo waxyaalo badan oo marayntoodu maroorsantahay,,

Mahadsanidin/Qoraa Maxamed Axmed Ciise
Lasoco Qormooyinka xiga ee aan ku soo qaadan doono Qaybo kale oo kamida horumarka shaqo Abuur iyo kaaftoonka inaad dalshsheeye u tahriibto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*