8th September 2024 admin Category :
Jiilasha cusub ee beesha Isaaq ayaa dhamaantood waxaa laga dhigay kuwo ku nool been iyo waxaan jirin. Bal ka waran qofka dhashay 1991dii, kaas oo aan hal maalina run loo sheegin, wellina illaa iyo maanta lagu wado beentaas?
Dhalinyaradaas yar yar waxaa loo sheegay in dawlad ay ahaan jireen, balse ay si fudud ugu darsadeen Koonfurta Soomaaliya, maantana ay la soo noqdeen dawladnimadooda kadib markii xasuuq loo geeystay. Waxaa lagu aqriyaa ineey ka fogaadaan Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogaan maadaama ay xasuuqii loo geeystay ay qeeyb ka wada ahaayeen.
Bartamaha magaalada Hargeeysa waxaa loo saaray dhalinyaradan diyaarad taas oo loogu sheegay ineey tahay tii xasuuqday dadkooda, ayna tahay ineey xasuustaan mar walba. Waxaa kalloo loo sheegaa in meel kasta qabuuraha ku yaal oo ay ku jiraan dadka cudurada u dhintay ay yihiin kuwii la xasuuqay. Waxaa intaas dheer in qof kasta oo maanta maskaxda ka xanuusanaya ay sababtay xasuuqii dawladdii Kacaanka.
Beenta loo sheego dhalinta yar, intaa kuma ekaan, waxaa loo sheegaa ineey leeyihiin ciidanka ugu awooda badan Africa oo dhan, sidaa darteedna aysan waxba ku qaadaneen ineey qabsadaan magaalada Muqdisho. Waxaa dhalintan loo sheegaa oo kalle in dhulka Sool iyo Sanaag dadka deggan ay ku yimaadeen qaxooti ahaan, balse ay yihiin iyagu dadka leh dhulkaas.
Waxaa kallo loo sheegaa dhalinyarada ineey sameeystaan baasaboorka Soomaaliland oo ay ku dhoofaan iskana daayaan baasaboorka Soomaaliga ah, ayna callanka beeshooda ay sameesteen ay ka dhigtaan go’yaasha sariirta, dhar la xirto, guryahana ay surtaan calankaas,
Dhalinyarada waa kuwo aan loo oggolleen ineey la fal gallaan bulshada kalle ee Soomaaliyeed, waxaana loo diidaa ineey ka soo heesaan, ama kubad la soo ciyaaraan, wariye ka noqdaan ama ay si kalle ugu shaqo tagaan, qofkii taa sameeyana waxaa lagu ridaa jeelka, isagoo lagu qaadayo khiyaamo qaran.
Cabsi gellinta iyo argagixinta dhalintaa yar-yar ujeedka laga leeyahay waxeey tahay in siyaasiyiinta maafiyada ah ay meesha ku shaqeeystaan, dhalinyaradana laga dhigo kuwo aan mustaqbal laheen, iyadoo lagu aqrinayo Soomaaliland waa muqadas, aqoonsigii ayaa soo carfaya iyo waxaanu nahay wadan la mid ah wadamada adduunka sida Shiinaha iyo Mareeykanka. Hadaba, dhilinyaradaas beenta iyo argagixinta lagu hayo miyeeysan u baahneen in Soomaalida kalle ay ka xorreenayaan siyaasiyiinta qooleesatada ah ee maamulka Hargeeysa?
Allsanaag.com