11th October 2024 admin Category :
Dhacdooyinkii Ardaynimadaydii.Q.2aad. Waxa qoray Xasan Xayir
Dhacdooyinkii Ardaynimadaydii.Q.2aadMaalintaa qado iyo wax kale toona iima dhadhamin, Farxaddii Khamiistaas iyo Jimcihii soo gelayeyba waan waayey, mashquul uun baan galay, su’aasha ah tolow xaal muxuu noqon ? ayuun baan rogrogayey jawaabna u raadinayey.
Ugu dambayn waxaan isugu geystay inaan arrinta u daayo sidii asxaab badani igula talisay, oo ahayd in Cabdi Ismaaciil iska kay illobayo oo aanan waxba Sabtida u tegin. Dugsiga hooy iyo cuntoba isagaanu ku lahayn oo Boodhan buu ahaa (Boarding School), xataa waxaan maalintaa ka fekerayey waar sow cuntadii iyo Jiifkiiba lagaa joojiyee, oo xataa haddii aan qaraabada Burco joogta u tegi lahaa wxaxaan ka xishoonayaa inaan idhaahdo waa laysoo eryey.
Nasiib Wanaag Sabtidii waa la gaadhay, iyadoo aan ku adkaystey wixii dhacayaaba ha dheceene, inaan yeelo sida keliya ee markaa iigu fiicnayd oo ah inaanan u tegin maamulaha, xalkaasina si fiican buu u shaqeeyey, Xiisadahaygiina halkii baan kasii watey, laakiin xaalkaygu wuxuu iska ahaa “Nin Daad Yaal Ma Deggena”, In arrintu ii hagaagtona Fadliga Ilaahay ka sokow, laba sababood ayaan u tirinayaa;1. Horta cidda keliya ee dhibanaha ka ahayd dacwaddaydan wuxuu ahaa Maamulka dugsiga, oo waxaan jirin cid si gaar ah iigu daba socota inay i ashkateeyaan.
2. Cabdi Ismaciil oo isaguna nin wanaagsan ahaa oo aan arrinkayga aad isugu lafa jebin.
Haddaan usoo noqdo Cabdi Ismaaciil Shakhsiyaddiisa inan wax yar ka sheego horta wuxuu ahaa nin xarrago badan, xagga hu’ga, hadalka iyo socodkaba wuu ku xarragoon jirey, oo xataa waxaan xasuusta ardaydaydayadu markaanu aragno mid naga mida oo yare jeestaynaya ama laafyoonaya waxaanu ku odhan jirney: Hebelow ma sidii Cabdi Ismaaciil ayaad maanta u soconay ama iska yeel yeelaysaa, sidoo kale wuxuu ahaa nin kaftan badan oo macallimiinta dhexdooda aan ka arki jirney inay xiiseeynayaan sheekadiisa, inkastoo ay macallimiintana ay ku jireen qaar ay hoos-ka-tuur lahaayeen oo aan beri dambe ogaaday.Si Kastaba ha ahaatee Cabdi Ismaaciil Markaad arday tahay wey adag tahay inaad is hortaagi karto oo wuxuu lahaa haybad gaar oo aanad kor u eegi karayn. markaa Ilaahay waxaan ka baryey inaanu Cabdi Ismaaciil kala badbaadno. Ilaahayna wuu Iga aqbaly.
Waxay sidaa ahaato, oo aan waxbarashadaydii wato, ayaa maalin Cabdi Ismaaciil isagoo kormeeraya fasalada ayuu noo soo galay, annago maalintaa u leh xiisadaha caamka ah (General Subjects), oo aanu 45 kii arday ee fasalka 1aad aanu meel kuwada jirno.
Markuu cabaar sidaa noo eegay oo macallinkiina salaamay, annaga indhaha noola raac-raacayo ayuun buu arkay anigoo meel aan kasii fogeyn indhaha hoos u rogaya, dabadeed intuu cirkaa ka qayliyey ayuu yidhi waar istaag kaagaas hoos isu dhigayaa…(Naxdintii maalintaa iyo ardaydii isoo wada eegtay aniguun baa garanaya) waan istaagey, laakiin ardaydii hortoodii waxba igumuu odhan ee soo bax ayuu igu yidhi wuuna iga sii horreeyey. Anigoo baqdin lugaha isla sii dhacaya, gacmuhuna i gariirayaan ayaan kadaba boqoolay, isagoo xafiiskiisii sii Hortaagan ayaan gaadhay dabadeed canaan ayuu diirka igaga siibey isagoo igu leh waar sigaarka mayska daynay?
Haa macallin/maamule waxaan ahayni iima bannaana, ee intaas ayaan ku boobay inaan dhaar raacinayeyna waan u malaynayaa.”Orod oo Fasalkaagii ku noqo oo dib kuuguma arki karo waxaas iyo Wax la mida” ayuu amar igu siiyey, Haddana Farxad baan kala qallali gaadhey, Haadeerna Waayahay Macallin/Maamule ayaan anigoo neef tuuraya ku Jawaabay, degdegna waan uga dhaqaaqay oo halkaygii ku noqday iyadoo xaalkuna yahay “Nin Sigtay Ma Nabad Gelin.”
Waxaan ogaadey in Cabdi Ismaaciil ahaa nin u naxariista ardayda, oo fahmaya arday meel fog ka yimi inay adag tahay in laga eryo waxbarshadiisa, siiba waxaan ogaadey inuu ii gartey inaan ka mid ahay ardayda Bariga ka timi, halkaana waxaan is idhi xoogaa jidh-nax ah wuu kaaga sameeyey, maadama uu deeganadaas kasoo jeedo, wuxuu is yidhi hadii aanad wax kale tarayn waxba haku sii tiigalin inaad ganaaxdid.
Arrintaa abaal weyn baan ugu hayaa macallinkayga ilaa hadda, Laakiin taas kasoo horjeedkeeda Cabdi Ismaaciil wuxuu iigu beddelay ganaaxii marka keliya ahaan lahaa, inuu markii aanu iska soo hor baxnoba ilaa saddexdii Sano ee aan iskuulkaa dhiganayeyba uu arrintii ila daba socdey oo uu marka aanu iska soo horbaxnoba cagta dhulka iiga gooyo, oo i bacad joojiyo isagoo igu leh waar sigaarkii ma iska deysey?
Cabdi Ismaciil Markuu xanaaqo ee qof caayayo ama maagayo waxaa caado u ahayd inuu ku tiraabo erayada odhanaya : “Waar Bahalkaagan Jidh-Xunka Ahi”. aniguna ka mid uun baan ahaa dadka uu u adeegsan jirey kelmedahaas.Arrintaasi wey i dhibtay, oo waxay i geyeeysiisay inaan bayr ka yeesho macallinkayga oo aan ka naxo inuu igaba soo Hor baxo, Haddaan arday la socdo iyo haddaan keli ahayba waxaa macallinku igu maagi jirey arrin mar hore dhacday oo aan filayey inaanu ka heshiinnay, laakin macaalinku marka kasta Boogtaas wuu i xoqi jirey.
Been idiin sheegi maayee, arrintaasi waxay igu abuurtey murugo, aan marmarka qaarkood odhan jirey waar malaa in lagu eryo ayaaba ka roonayd sidan iyo bahdilkan joogtada ah. Sidoo kalena waxaan is weydiin jirey tolow Cabdi Ismaciil mar keliya adigoo ka madax bannaan dunida korkeeda ma isku arki doontaan !
Wax kale oo xumaana umaan hayn macallinkayga, aar goosina iguma jirin ee wuxuun baan is lahaa isagoo ku arkaya sigaar uun ku hor cab.Wax kastaba hanoo soo kala mareen aniga iyo maamule Cabdi Ismaciil, Dugsigii waan dhammeeyey Ilaahay mahadii, farxaddaydii qalinjebinta aniga waxaa ii dheerayd anigoo isu arkayey inaan ka bogsanyo cagajuglayntii uu Maamuluhu igu hayey intaan dugsigaa dhiganayeyba.
Muddo ka dib Cabdi Ismaaciil Waanu Kulannay, anigoo aan ahayn kii yaraa ee sigaarka cabbi Jirey !!!
Qaybta Saddexaad Kaga Bogo Wixii Dhacay