26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Laamaha Hay’addaha UN-ka ee Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta 16 January 2019 xafiiskiisa ku qaabilay laamaha Hay’addaha UN-ka qaybtooda ka hawlgala Puntland, kuwaas oo kala ah UNSOM, UNICEF, UNDP, UNHABITAT, UNOCHA, UNDSS, FAO iyo WFP.

Kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Puntland la qaatay saraakiishaasi ka socdey laamaha UN-ka Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana uu ka warbiyey arrimaha muhiim ka ah ee lagaga hadlay kulanka.

“Maanta Madaxweynuhu wuxuu la kulmay Hay’addaha UN-ka qaybaha Puntland ka degan, ulajeedada uu Madaxweynuhu ula kulmayna waxa ay ahayd inuu xogogaal u ahaado shaqooyinka ay Puntland ka hayaan, waxa uu ka xog waraystay waxqabadkoodii hore iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin in ay fuliyaan mudooyinka soosocda Insha Alla” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*