8th May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Finish Red Cross oo ay hoggaaminayso Madaxa Hay’addaasi ee Soomaaliya Terhi Heinasmaki, ayna qeyb ka yihiin Madaxda Hay’adda Bisha Cas ee Puntland.

May be an image of 6 people and people standing

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha gargaarka, gurmadka Abaaraha iyo horumarinta habka wada shaqeyn ee Dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeynaya arrimaha bani’aadantinimada.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Awooda Dowlad Goboleedka iyo Hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya la gaarsiiyo heer loo diyaariyo in laga jawaabi karo masiibooyinka dabiiciga ah ee yimaada.

Iyadoo Istiraatijiyad arrintaasi lagu hirgelinayo laga shaqeynayo.

Shirka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*