18th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kusoo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Ali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan iyo Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa leh xiriir wadashaqeyn oo ku salaysan dhinacyada Amniga, Horumarka iyo Ganacsiga.

Image may contain: 1 person, sitting, living room, table and indoor

One thought on “Deni oo lagu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti

  1. Oday

    Reer safar iyo soo dhoweyn jecel oo Soomaaliya iyo dawladnimo neceb majeerteen baa leh
    Waxay dalkooda iyo horumarkiisa ka jecelyihiin safar yar oo xataa jabuuti ah.iyo in mar kasta la soo dhoweeyo oo la yiraahdo madax baad tihiin oo waa laydin jecelyahay
    Allow sahal amuuraha oo reerkaan cudurka ku habsaday ka saar
    War hooy majeerteenow xabashi iyo gaal waxba idiin ma ahan ee Soomaali haysku dirina iidoorka aad waasheen iyo hawiyaha aad xumayseen oo caydeen raali gelin ka bixiya oo ummadda ka mid noqda oo is qaboojiya, hadii kale Soomaali waa idin daawanaysaa waana idinla xisaabtami doontaa

    Reply

Leave a Reply to Oday Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*