26th July 2024  admin  Category :

Deni iyo Saiydka oo Albaab Cusub u furay Soomaalida,

Shirkii Dhowaan lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galguduud, oo ayna ka soo soo qayb gelin maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa Soomaalida qaarkeed waxay u arkayeen in labdaas maamul ay isku isbaahaysteen Qabiil oo ay doonayaan sadbursi ay ka helaan Soomaalida inteedka kale.

Markii madaxweyne Farmaajo shaaciye in sagu labadaa hogaamiye ee Jubblnd iyo Puntland uu ugu tegayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxay sii xoojisay shakigii jiray iyo in isbahaysi beeleed wada shirayo

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo ogaaday khatarta siyasadeed ay leedahay iyaga oo aan Dhuusamareeb tegin in loogu yimaado Garowe, markii ay go’aansadeen in iyagu Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho tagaan oo halkaa kula kulmi doonaan madaxweynaha dawladda Federaalka waxay mar kale sii xoojisay kooxihii markii horeba ulaha boocada ah ugu tukubayey oo u arkayey in Daarood isu habar wacday, ay iyaguna bilaabaabaan abaabulka kicinta bulshadooda

Hadaba Maanta arintu waa degan tahay maxaa qaboojiyey

Dhowr arimood ayaa kulaykii siyaasadeed meesha u saraysa marayey dejiyey, hase ahaatee labo arimood ayaa demiyey dabkii ugu weynaa ee Siyaasiyiinta Hawiye qaarkood duurka ku tuurayeen si u sii holco

1- Kulankii madaxda Puntland iyo Jubbaland ay Muqdisho kula kulmeen siyaasiyiinta Hawiye, gaar ahaan madaxweynayaashii hore iyo mucaaradka intii ayna arag madaxweyne Farmaajo shakigii jiray ayuu meesha ka saaray intii badnayd, kulaykii siyaasadeed ee cirka marayena wuxuu ku soo celiyey meel caadi ah

2- Codsigii ay codsadeen madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ee ahaa in madaxda Maamul goboleedyada kale ay shir kasta oo Muqdisho ka dhacaya ay ka soo qayb galaan, taasina waxay keentay xasilooni siyaasadeed iyo Fursad lagu wada hadlo.

Ugu danbayntii madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo horay loogu amaanay siduu u garab istaagay maamulka Jubbland, maantana Soomaali badan u arkaan inuu raadinayo Qaran Soomaaliyeed si taariikhdu u xusto waa in uu la yimaadaa tanaasul uu wax ku luminayo sida madaxweyne Farmaajo oo waqti shuruud leh loogu daro.

Allsanaag,com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*