29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Deni maxaa kugu diray Cid walba aan ka ahayn maamulka SNM ee Falaagada ah?

Madaxweynaha Puntland Cabdulaahi Siciid Deni, ayaa maanta is hayaan ama horay isu qabtaan hogaamiye kasta oo xil ka haya Soomaaliya haddii ay noqon lahayd Federaal, Isimada kuwooda loogu jecel yahay iyo maamul goboleedyada aan ka ahayn maamulka beelaha Isaaq ku midaysan yihiin ee SNM, oo iyagu marar badan daan daansaday, hase ahaatee uu madaxweyne Deni u dul qaatay faduusooda.

In badan oo ka mid ah khilaafka madaxwyne Deni, maaha mid uu isagu keenay, laakiinse waxa ka xoog batay khilaafyadii kale ee dibadda ka imanayey ee la isticmaalayey waxmagaratada reer Puntland kuwa Puntland dhexdeeda ah sida kii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo hadda madaxweyne ku xigeenka.

Tusaale Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo Federaalka maaha mid Deni keenay ee waa mid lagu khasbay, kuwii Puntland wakiilka uga ahaa Federalkana oo xaaladda dejin lahaana ay noqdeen kuwo lagu hungoobay oo danaystayaal ah.

Khilaafka madxaweynaha iyo ku xigeenkiisa waa ka duwan yahay kan Federaalka, wuxuuna dhalin kara khal khal siyasadeed oo halis ku ah jiritaanka Puntland, waxaana ka faa’iidaysan kara cadowga Puntland , waxay ahayd in loo saro Guddii maamulka ka tirsan, Xildhibaano iyo Isimada si loo afjaro khilaafka , madaxweyhne Deni ma samayn ee waxa uu qaaday jid khalad ah iyo dhoolatus beeleed.

Caasha Geele, Faroole iyo Cali Cabdi Awaare, oo ahaa kuwii Puntland meesha ay maanta taalo dhigay ayuu shir ugu yeedhay oo madaxweyne Deni waydiiyey inay ka doodaan sida Soomaali doorasho uga dhici karto.

Madaxweyne Faroole markuu ahaa Wasiirka maaliyadda iyo madaxweynahaba, wuxuu ku caan baxay, musuqmaasaq, eex, sadbursi iyo jacaylka SNM.

Caasha Geele, maalintii ay wasiiradda ahayd Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxay kula dagaalantay in walasheed gaari ay lahayd looga Kireeyo H’ayado. Markii Gudoomiyihu diidayna waxay tiri Xoolaha Mudug ayuu sumeeyey.

Cali Cabdi Awaare, markii uu ahaa wasiirka Dawladaha hoose, Idacado iyo Talafishano ayuu ka samaystay.

Kooxdani Puntland iyo Soomaali isbedel uma keeni karaan, kuumana noqon karaan dhoola tus siyaasadeed aan ka ahayn in M.Deni ay u abuuraan khilaaf cusub

Ugu danbayntii madaxweyne Deni, waa ognahay in sababtii ay Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf, Cade Muuse, Faroole , Gaas iyo adiguba xilka ku qabateen ee ah 35 cod aad leedihiin , aan si fudud xilka lagaaga qaadi karin. Laakiinse ogow sida madaxweyne Farmaajo ayaa waqtigu sidaa kaaga lumayaa ama kaaga dhamaanyaa adiga oo xal gaarin oo maalin walba koox cusub is haysta . Talada ugu fiican oo aad qaadan kartidna waa adiga oo Geesinimo muujiya oo dhameeya khilaafka u dhaxeeya adiga iyo madaxwe ku xigeenka isla markaan yaree jacaylka SNM.

ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

3 thoughts on “Deni iyo Khilaafka Soomaalida

  1. Haliye

    Waa qoraal nin weyn oo wax og qoray, waxaana ku jira odoros iyo talo walaalnimo, waa muhiim Siciid Deni inaad ogaato waxaa federalka isku haysaan inay ugu weyn tahay Dastuurka oo aan lagu dhaqmayn, hadaba adigu ku dhaqan oo aragti meel dhow ku salaysan, iyo soo dhowaysiga koox gaar ah jooji.
    Wax badan xeeri, oo danta guud iyo sharafta Puntland ilaali, waxaa is qabateen gudoomihii barlamaanka Puntland, hadana waxaa is haysaan madaxweyne ku xigeenkii, wax kasta hakugu qaadatee raganimo muuji u tag madaxweyne ku xigeenka oo hawsha si hoose u dhamee, waxaa heli magac, maamuus iyo midnimo reer Puntland.
    Ilaahow Soomaali xaqa tus.
    Aamiin.

    Reply
  2. Illahow gun hanaga dhigin

    Masha allah, qoraalkan waxaa kamuuqda caqli ehelnimo bisayl iyo waayo aragnimo.
    Waxaan layaabay marka ay reer Garowe ama reer Qardho xilka qabtaan maxay dhulbahante u colaadiyaan oo Isaaq u walaalsadaan? Faroole ayuu ahaa kii lahaa waa argagixiso, cadde aun ayuu ahaa kii riyaale iyo ethopia kula heshiiyey bixinta lasacanood. Maantana Deni iyo Aaranjaan wakuwaas wareejiyey yoocada oo waliba amaanta idoor dabadhigay. Qorshaha Qardho waanu ognahay oo xukunka majerteen ayaa kabadan balse waxan layaabay qoloda Garowe ee labada daran midka doortay. Gumaysiga Cusmaan iyo colaada dhulbahante. Illahow talada Hana seeji.

    Reply

Leave a Reply to Caasho Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*