19th May 2024  admin  Category :

Maxaa ka jira hadalka Odayaasha iyo siyaasiyiinta Hawiye ay sheegaan ee ah in dekedda Muqdisho Soomaali oo dhan laga masruufo?

Waraysi uu dhowaan bixiyey wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle, uuna siiyey weriyaha Soomaaliyeed Cali Xaraare, ayuu ku sheegay in lacagaha ka soo bxa dekedda Muqdisho lagu masruufo oo qura bulshada reer Muqdisho iyo maamulada kale ee beelaha Hawiye u badan yihiin, sida Galmudug iyo Hirshabelle.

” Maamulada dekedaha leh sida Jubbaland, Puntland iyo Somaliland waa isku filan yihiin ayuu sii raaciyey oo haba yaraatee lacag laga qaaday dekedda Muqdisho looma diro.

Intaa waxa dheer in lacagaha laga helo caalamka intooda badan ay ku baxdo magaalada Muqdisho

Iyada oo xaqiiqdu sidaas tahay, oo dekedda Muqdisho lacagta ka soo baxdaa Muqdisho uun la geliyo ayaa maalin iyo habeen Odayaasha beelaha Hawiye iyo siyaasiyiinta beeshaasi waxay warbaahinta la hor taagan yihiin in la cuno lacag laga qaaday dekeda Muqdisho, oo Soomaalida inteeda kale yihiin dulmi ku dul nool

Ugu danbayntii ma jirto lacag laga qaado shacabka Muqdisho oo meel kale oo Soomaaliya ka mid ah la geeyo ee waxay runtu tahay in reer Muqdisho ay horay hantidii Soomaaliyeed uyagu qaarna u burburiyeen, qaarna u bililiqaysteena, hadana ay ku nool yihi sadbursi ay ka helaan deeqaha caalamka oo aan lagula xisaabtamin

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*