27th April 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee Maareeyihii hore Siciid Xasan Raage ayaa ugu danbaysay dekedda Muqdisho oo habeenimo iftiimaysa

Dekeda Muqdisho  ayaa bilowday caawa inay shaqeyso xilli habeen ah iyadoo dowlada federalka ay bilihii la soo dhaafay dadaal u gashay sidii ay dekeda habeen iyo maalinba u shaqeyn lahayd.

Dekeda ayaa waxaa caawa booqday mas’uuliyiin kala duwan iyagoo u kuurgalayay sida ay howlaheeda ay u socoto waxaana mas’uuliyiintaas horkacayay Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waxaana ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada, saraakiisha amaanka kormeeray caawa dekeda.

Tan iyo burburkii dowladii hore Siyaad Barre, oo Allah ha u naxariistee uu maareeye ka haa Siciid Xasan Raage  dekeda Muqdisho waxa ay ku koobneyd howlaheeda maalinta oo kaliya iyadoo xilliyadii dowladii hore iyo muddo ka sii horysayba ay shaqeyn jirtey habeen iyo maalin.

Halkan hoose ka daawo sawirda dekeda Muqdisho oo xilli habeen ah shaqeyneysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*