29th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo qalabkii caafimaad ee Jack Ma kala wareegay Dawlada Federaalka Soomaliya

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa garoonka diyaaradaha Adan Abdalla Cismaan kula wareegay kana soo sagootiyay intii Puntland laga siiyay, qalabka kahortagida iyo u diyaar garowga Caabuqa Corone-Virus oo maalmo kahor Dawladda Faderaalka Soomaaliya kasoo gaaray Maalqabeen u dhashay Shiinaha.

Image may contain: 3 people, people standing

Maanta ayaa lagu wadaa inay Garowe soo gaarto, masuuliyiinta wasaaradduna ay kula wareegaan garoonka Gen. Mohamed Abshir.

Qalabkaan ayaa wasaaradda caafimaadka Puntland ka caawin doona la tacaalida bukaanada laga helo xanuunka ama kuwa looga shakiyo ee la galiyo Karantiilka.

Shalay ayay ahayd markii warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen wasaaradda caafimaadka dawlada federaalka iyo wasiirada dawladaha xubnaha ka ah ay ku sheegeen inay ubaahanyihiin lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar si loola tacaalo xanuunka Covid-19.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*