4th October 2022  admin  Category :


DEBIN KA QOOLAN & DAGAALKA QABOW EE KALA QAYBINTA PUNTLAND

1. HORDHAC

qormadan oo kooban waxaan uga hadli doonaa timaado hor leh oo lagu qaybinayo Dalka iyo Dadka somaliyeed, Gaar ahaan Gobolada puntland.

kadib markii uu dhacay buruburkii soomaaliya 1991-dii waxaa dhacay dagaalo sokeeye waxaana loo kala qaxay ninba jihadii uu kamiyi meeshana ay ka baxday nidaamkii iyo kala Danbaytii Dawladnimo oo wakhtigaas jirtey.

Intaas ka dib Puntland waxaa ka bilaabmay shirar soo jiitamiyey tan iyo 1991-Dii kuwaas oo looga gollahaa in mar hadii Dalkii burbur galay laysku tashado iyaga oo tiigsanaya maqaam ka sareeya puntland, oo ah soomaliya iyo sidii Dib loogu yagleeli lahaa dawlad somaliyeed.

2., ASAASKII PUNTLAND -1998

Sida aan la socotaan puntland waxaa la asaasay 1998-dii, Waxaana si wada jir ah u wada Dhistay 5 Gobol iyo Degmada Buuhoodle. Goboladaas waxay kala ahaayeen.
1. Gobolka bari. 2.Nugaal. 3. Sool. 4. sanaag. 5. Mudug iyo Degmada biuhoodle, Sidaas ayaana axdi qarameedkii puntland ku asaasmay. u jeedka iyo Hadafka asaaakii puntland Wuxuu lahaa ujeedooyin iyo himilooyin fog fog Kuwaas oo loogu Gogol xaarayey midnimada umadda soomaaliyeed.

Taas waxaa bar bar socotey somaliland oo ku dhawaaqday Gooni u goosad 1991- Iclaamisayna inaysan ka mid ahayn Somalia. hase yeeshee ku koobnayd asaaskeedii hore Goboladii la oran jirey Somali Galbeed. shirarka lagu asaasayna aysan lug kulahayn Gobolada Sool iyo Sanaag hase yeeshee ay noqotay talo mar danbe ku dhalatay ayey ku go’aan sadeen inay sheegtaan “wixii loran jirey Biritish somailand”. kadib markii ay arkeen Inaysan ku shirtegi kareen 2Gobol oo keliya marka la BarBar Dhigo 5-ta Gobol ee puntland ku midoobey oo ah kuwaan kor kusoo xusay.

3. QABSASHADII GOBOLKA SOOL

2007-Octobar -15-keedii ayey Dagaal kula wareegeen somaliland Caasimadda Gobolka sool, Wakhtigaas oo talada puntland hayey Alle ha u Naxariistee Mudane General cadde muse xirsi.

Wixii intaa ka Danbeeyey waxaa Dhacay Dagaalo dhiig ku daadanayey oo duulaabku markasta uu ka imanayey maamulka somaliland. Sidaas ayaa Gobolka sool caasimadiisu hadda ku maqantahay.

4. GUUL DARADII SOMALILAND KALA KULANTAY QABSASHADA GOBOLKA SANAAG.

intaas waxaa Daba socdey Dagaalo kala danbeeyey oo ay Damceen inay kula wareegaan Gobolka sanaag kuwaasoo ka kala dhacay.
1- Magaalada dhahar
2- Boodda Cad
3- iyo kal kubataale
hase yeeshee marnaba way u suuroobi wedey inay Qabsadaan.Marka dib loo noqdo ka hor asaaskii puntland 1998. waxaa jirey Dagaalo hargaysa kusoo qaaday Gobolka sanaag, kuwaas oo ka kala dhacay
1- Ceerigaabo
2- Jiidali
3-Hadaaftimo
4- Xingalool
5- Damala xagarre
Dagaaladaas waa dhintay kumanaan Qof oo difaacayey Karaamadooda iyo Sharaftooda, hase yeeshii waxaa muuqatay inaan Gobolka sanaag marnaba Dagaal lagu qabsan karin.

5. KACDOONKII SHACABKA GOBOLKA SANAAG.

Bartamihii 2019, Waxaa kadhacay Gobolka danaag kacdoon dadwayne kaasoo Mideeyey Quluubta shacabka sabayna inay Dhamaan ciidankii Gobolka sanaag u joogey somaliland ay u soo wareegaan Puntland, iyaga oo ka biyo Diidey Himilada Guracan oo muusa biixi DOONAYEY INUU Dagaal ku Qabsado Gobolkooda, Dhamaanna waxay hadda ka mid yihiin Ciidanka puntland.Ugu Danbayntii Waxay natiijadu Noqotay in gobolka sanaag maanta aanu jirin Wax magaca somaliland sheeganaya oo jooga ama xafiis uga furan yahay.

hase yeeshee markasta Gobolka sanaag waxaa rabitaanka shacabka hogaamiyey Shacab iyo Dhaqan suuban oo aysan marnaba u cuntameen ka mid noqoshada Maamulka gooni u Goosadka ah.

6. SABABTA LAAS-CAANO UGU GACAN GASHAY SOMALILAND.

GOBOLKA. sool waxaa aad ugu Badnaa kaadiriin Lasoo shaqeeyey Dawladii kaligii taliska ahayd ee Kacaanka siyaad Barre, Una Badnaa Ciidankiisii Ku Sifaysnaa hagardaamaynta Shacbka soomaaliyeed. kuwaas oo ku biiray somaliland iyagoo hogaamiyey Dagaalo Badan oo Dadka reer sool lagu xansuuqay, Sidii Dagaalkii kalshaale sidoo kale Snadkii-2011 , waxay maamulka Somaliland u hirgeliyeen inay ku guulaystaan kala qaybinta Shacabka Gobolka sool markastana waxaa saldhig u ahaa wixii ka dhacay sool rabitaanka siyaasiga ka soo jeeda sool.

laakiin shacabka sool 70% ilaa hadda waxay u taagan yihiin midnamada iyo jiritaanka Umadda soomaliyeed. iyagoo aaminsan in xoog lagu haysto oo ayka tirsan yihiin” puntland”.

7. DHISMIHII SSC IYO WAXA LAGA DHEEFAY.

waxaa sidoo kale jirey isku dayo Badan Badan oo reer sool ay ku doonayeen Maamul goboleed markii hore loo bixiyey “SSC” oo macne ahaan u taagan, Sool, Sanag iyo Cayn. Waxaana la oran karaa waa sifooyinkii u suurta geliyey somailand inay ku xoogaysato Gobolka sool.

Tusaale ahaan, Xagla toosiye oo Madax wayne ka ahaa “SSC” Wuxuu markiiba u gacan galay “Somaliland” Waxaana cadd inuu awelba iyaga hoos kala shaqanayey.

waxaa kale oo is waydiin mudan, In macaga maamulkaasi marnaba aysan iskaga imaan Dadka reer sool iyo sanaag ee markasta uu ahaa wax ku kooban “Sool “oo keliya, waana Gundhiga talo xumooyinkii la soo dersan reer sool.

Waxay socotoba SSC markii la arkay meesha ay ku dhamaatay, waxaa laga Bedelay magacii oo waxaa la dhisay maamul uu hogaamiye ka yahay,Pro.Cali khaliif Galaydh waxayna noqotay Rajadii ugu Danbeysey ee Quusisa Shacabka reer sool. Laba Qodob ayaana ugu waawaynaa inay mar labaad Dhicisawdo himiladaasi.

1. Prof Cali khaiif Galaydh oo ay ku fogaatey Nacayb iyo Colaad uu u qabo Dadka puntland iyo Dalkiisaba,
2. Prof. cali khaliif Galaydh oo Aaminsanaa Inay la qayb yihiin marka laga hadlayo juquraafi ahaan Gobolada waqooyi ee Somaliland . ugu Danbayntiina waxa u jihaystey halkii uu ahaa yoolkiisa siyaasadeed ee somaliland. Dhaqaale kuma hadhin shacabka reer sool, Dhiigoodu waa Daadanayey, Dumarka iyo caruurta ayaa la gumaadayey, Ilaa hadda ma jirto Cid wax iska waydiisey waxa la dhaafsaday halgankii dheeraa iyo dhimashadii Dadka reer sool.
laakiin waxaa taariikh Qoran ah meesha uu dhigay taladii reer sool u dhiibteen pro.Xali Khaliif Galaydh

8, DORADSHII FARMAAJO & DAB GELINTII GELINTII DAL UDUG.

Tan iyi intii uu xilka Madaxwaynaha ku guulaystey Maxamed cabdilahi Farmaajo waa soo if baxay Dagaal joogta ah oo uu la galay Gobolada puntland, isagoo markasta ku dhaqmaya bil-caksifeeda oo ah inuu xoojiyo rabitaanka iyo duulanka Somaliland ee Gobolada sool iyo Sanaag, isagaa uga Gol-leh kala qaybinta Awooda gobolada puntland.

SANADKA 2009, oo ahayd qoris buugiisa Qalin-jebinta Jamaacadda wuxuu aad ugu Dheeraaday Dadka Degan Gobolada puntland inay yihiin Kuwa markasta hortaagan Qarimada soomaaliya. Weliba Beesha “Majeerteen” waxaana is waafaqay siduu u fekereyey Isagoo arday ah inuu u Fulinayo wixii uu markaas aaminsanaa asagoo ku dabakhay hogaamintiisa Qaranka.

Madaxwaynaha Soomaliya intuu xilka hayey Beelaha Dega Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, oo laysku yiraahdo marka la abtirsanayo”HABAR MAJEERTEEN” waxa uu ka ilaaliyey ama u diidey inay Dawladiisa ku yeeshaan, Hay’daha Dawladda sida, Agaasimayaasha Guud

Madaxwaynuhu wuxuu kaloo meesha ka Saaray Safiiradii Safaaradaha Qaybtii ayku lahaayeen Beelaha HABAR “MAJEERTEEN”, HALKA REER AW SAN OO AH QOLADA UU KASOO JEEDO FAHAD YASIN AY KU LEEYIHIIN UGU YARAAN SADEX SAFIIR.

Dawladda federalka ah Waxay Caqabad ku noqotay horumarka puntland, iyadoo Ka hor istaagtay mashaariic Badan oo iskugu jira, kuwo bini Aadam-tinimo iyo kuwa horumarineed-ba.

9. XIL-QABASHADII FARMAAJO IYO PUNTLAND

Puntland waxay kaalin wayn oa ciyaartay dib usoo noolaynta Dawladnimadii soomaliyeed, waxayna gelisey kuna bixisay Juhdi iyo Dadaal Badan, oo leh Muruq iyo maal, dib u yagleelidda Dawladii soomaaliyeed oo burburtay 1991-dii, Puntland waxay Door shariif ah ka qaadatay In Somaaliya Dib loogu soo Dabaalo Nidaamkii iyo kala Danbaytii Dawladnimo oo uu Saldhig u yahay Nidaamka Federalka ah we soomaliya Hadda ka ka jira.

05-March-2019, puntland waxay Iskugu yeedhay Dhamaan maamulada Dalka iyo hase yeeshee waxaa marna laga Maaro Waayey oo Caqabad ku noqday Madaxwawynaha Dawladda Federalka iyo Rays’sal wasaaraha soomaaliya in heshiis midha dhal ah meesha ka soo baxo, iyadoo laga wada hadlayey, Doorashada iyo sidii looga tashan lahaa Laba xeer oo ay puntland u arkaysey in laga wada tashado ayna ahayd runtii, kuwaas oo kala ahaa
1- Xeerka Doorashooyonka
2- xeerka Khayraadka
sidoo kale waxaa shirka goob-joog ka ahaa Saamilayda siyaasadda soomaliya, kulan kaasi wuxuu ku soo idlaaday Natiijo la’aan, ayna sabab u ahaayeen Madaxwaynaha DFS oo marna Ka garaabi waayey wax wada lahaashaha umadda soomaaliyeed in laga heshiiyo.

puntland waxaa ka dhacayey mudaraadyo Lacagaha laga soo dirayo Xamar kuwaas oo dhamaantood looga Gol-lahaa in xididada loo siibo jiritaanka Dawladda puntland

Madaxwaynaha DFS intii karaankiisa waxa uu xooga saaray in puntland ay noqoto meel looga adeego Danihiisa siyaasadeed,taasina ma suuroobin, Isagoo ku lug lahaa khilaafyo Badan oo puntland Dawladiisu ka dhex hurisay hase yeeshee Ay dhexdooda ka xalisteen Isimada iyo Xukuumadda dawladda puntland, jararn karo kasta iyo salaan walba oo uu fuulay in Dib loogu celiyo puntland meeshii ay kasoo hayaantay shalay waa ay suuroobi weydey.

07-Feb-2020, Madaxwaynaha dawladda puntland iyo xukuumaddiisu markay arkeen meesha xaal marayo, kulan ay ku yeesheen magalaada Bosaaso waxay ku dhawaaqeen In puntland iskugu timaado Shirwayne wada-tashi 15-March-2020.

Shirkaas oo Qabsoomay wakhtigii loo asdeeyey waxaa ka soo qayb Galay arko Gaadhaysa 1750, oo iskugu jira, Madax-Dhaqameedka, siyaasiyiint, Ururada Bulshada rayid-ka ah, Haweenka, Dhalin yarada Aqoonyahanka, Madaxwaynayaashoi hore ee puntland, xubnaha labada gole u metela puntland Dawladda federalka ah ee soomaaliya iyo sadexda Gole ee Dawladda puntland oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha puntland.

Shirkaas oo soconayey mudo sadex maalmood ah, soona xidhmay, 18-Mach-2020, Waxaa ka soo baxay Qodobo wax ku ool ah oo dhamaantood taabanaya Masiirka iyo jiritaanka Puntland, Shirkan ku soo beegmay 21 sano Kadib Asaaskii puntland oo ahaa 1998-dii.

Dawladda federalka ah markay Aragtay isku Duubnida Shacab iyo xukuumad ee puntland waxay Tushuus ku Furtay War-Murtiyeed-kii kasoo baxay shirka wada-tashiga puntland Ayna soo saareen xubno ka Tirsan DFS war saxaafadeed sadex bari ka dib markii xidhitaanka shirka laga joogo.

Madaxwaynaha Puntland isagoo oo fulinaya Qodobadii shirka ka soo baxay Qaarkood wuxuu ku dhawaaqay inuu Tegi Doono Dhamaan Caasimadaha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda federalka ah iyo Caasimadda soomaaliya, Hase yeeshee Dawaldda Feseralka ah ee soomaliya Arinkaas way is hortaagtay iyadoo u arkaysey inaan Dani ugu jirin wadajirka uu hogaanka u hayo Madaxwayne Deni.

10. WADA HADALADII SOMALIA IYO SOMALIALND EE JABUUTI.

Shirka Jebouti, Wuxuu ahaa mid Leh u jeedooyin iyo Dano siyaasadeed ayna ku lUG leeyihiin dawlado waawayn oo aduunka ah.

QODOBKA KOWAAD, Maadaama uu soo dhowaaday wakhtigii Doorashada Dalka. Bishan june-2020, Ay soo bexeen aragtiyaha ku aadan Baahida loo Qabo Doorasho wakhtigeedii ku dhacda ay soo saareen Maamulada xubnaha ka dawladda Federalka ah Sida, puntland,jubba land, hirshabeelle,Dhamaan-toodna ay taageereen Baaqii ka soobaxay Gudoomiyaha Aqalka sare Ee soomaalia.

waxaa kale oo taageero u muujiyey safiiro badan oo beesha caalamka ah iyaga ugu baaqayey Dawladda federalka ah in la Gaaray wakhtigii laga wada tashan lahaa Qaabka doorasho ee Dalku gelayo

QODOBKA 2, Madaxwaynaha DFS isagoo u arakyey inay Adagtahay in Dib loo doorto, wuxuu xooga saaray, inuu U diyaariyo Somaliland madal caalami ah(international strategic platform) oo ay somaliland kaga faa’iidaysto inay ku sheegato Arimeheeda waxaynta taasi Somaliland u noqotay fursad dahabi ah iyo Guul aysan Gaarin 30-Sano ee ay Goonida ka ahaayeen Somalia.

QODOBKA 3aad. Waxaa jirey heshiis ay Madaxwaynaha DFS iyo Madaxwaynaha Somaliland kusoo Galeen 10.Febr.2020, Magaalada Addis Ababa Ee dalka ETHIOPIA Halkaas oo codsi muuse biixi watey Madaxwaynaha DFS ku ogalaaday, Tasoo ahayd in uu u ogaalado Inay Gobolada sool iyo sanaag ka mid ka mid noqdaan Laguna xisaabiyo Gobolada Waqooyi ee somalia, Wada hadalada somaliland iyo Somaliyana loo Bedelo “Koonfur & Waqooyi.” sidaasna laysku waaqay, taasina waxay meesha ka saartay Madaxwaynaha DFS oo awel doonayey inuu labadaas Gobol u sameeyo Maamul goboleed ka madax banaan puntland iyo somaliland.

QODOBKA 4. Aby AXMED, Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia oo u arkayey Inay Somaliland u tahay Gobol stategy ah oo xuduud- la leh Ethiopia ayaa Ka ciyaarayey qayb wayn in somaliland loo Ogolaado inay si madax-Banaan ula macaamisho caalamka Somaliyana ay kaga mid ahaato” Confederal state” Sida Scotland iyo wels Ay u macaamilaan Dalka Uk- ee ingiriiska. Sidoo kale Abay axmed wuxuu qorshihiisu yahay in Ciidanka Badda Ethiopia uu u helo Sandhig Badeed Tasoo ah Mawjadaha Farmaajo uu ku furay welina aanu Fahmin Ujeedooyinka Ethiopia ka leedahay Somalia Dhanka kale isagoo Madaxwaynaha DFS u tusayey inuu halkaas ku helayo xubnaha ka imaya soomaliland oo ay tahay guul usoo hoyatey in Dib loogu Doorto ama Wakhtiga laguu kordhiyo.

QODOBKA 5. Madaxwaynaha DFS oo u arkayey Hadii somaliland iyo somaliya is fahmaan ay noqon karto waddo u horseedi karta mudo korodhsi 2Sano ah. isagoo ku sababaynaya hawlaha Socoda Dhamaystirkooda.

QODOBKA 6. Maadama la qorsheeyey in somali laysku keeno waxaa nasiib Darro ahayd inay puntland oo ugu mudan ayna tahay Cidda keliya oo ay somaliland isku hayaan Xuduud, Dagaalo Badani dhex mareen welina Aan wax xal laga Gaarin ay ka maqnayd wada hadalada, Taasoo wiiqday natiijo wanaagsan oo somali u Dan ah lana wada mahadiyo inay kadoo baxdo Shirkaas.

QODOBKA 7aad. Gobolada sool iyo sanaag oo haba yaraatee aan cid labada dhan-ba u matalaysey aan lagu Daran wada Hadalada taasoo ka dhigan “Gashaanti Aamuska ayaa lagu megershaa”, Waana Dulmi uu ka galay Goboladdaas Madaxwanaha Somalia Farmajo,

QODOBKA 8aad. Qorshaha shir qool-ka ee Farmaajo oo ah inuu gudiga farsamada(Technical commitee) uu ku darsaday Laba shaqsi oo kasoo jeeda Gobolka Mudug, Isagoo u jeed-kiisu yahay marka ay hadlaan Qolada sool iyo sanaag iyo Guud ahaan puntland-ba inuu yiraahdo idinka ayaa Gacmihiina isku Gowracay. Waana Debin khatar ah oo aysan fahamsanayn maxamed Daahir afrax iyo xeer ilaaliyaha Somalia.

QODOBKA 9aad. Beesha Caalamka oo shirka Ka dhigay Dalka jabuuti, Si loo Naaqusiyo kacdoon Dad wayne oo beryhan ka bilowday Dalka jabuuti. Iyadoo loo tusayo inuu noqon doono shirkani shirkii Carta oo kale oo somali lagu heshiisiinayo.

QODOBKA 10aad. Ma jirto natiijo laga gaaray wada hadalkii Jabuuti, wixii ka soo baxayna waxaan u arkayey in Qorshihii fashalmay ee Dawladda Federalka lagaga siibanayo ama face-saving-looga dhigayo inay Bal wuxuun oo rajo ah kaso baxeena taas ah Dhowr qodob oo weligood lagu Dul wareegayey.

QODOBKA 11aad, Natiijo waxaa lagu tilaami karaa inuu Madaxaynaha DFS u sallaxay Hogaamiyaha Somalialnd masrax siyaaseed oo weligeed aan soomaliland soomarin taasoo fursad u siisay Somaliland inay Kaga Hadasho tabashadii somaliland. waana u fushey laakiin Qorshihii Dawladda Federalka ah wuxuu noqday ama u muuqday mid aan diyaar Grow fiicani ka muuqan waxayna meesha kala hadaaftey Hargo Madhan.

11.SUURTA GAL MA TAHAY IN DALKA AY KA DHACDO DOORASHO QOF IYO COD AH 2020/21?

Marka La eego Wakhtiga ka hadhay in dalku Doorasho uu Galo, Ma muuqato suurtagal na maaha in Dalka ay ka Dhacdo Doorasho Hal Qof hal Cod, ah Duruufaha Badan oo ku Gadaaman Awgood, Sida
A. Aminga iyo nabad Gelyada Dalka oo aan Saamexeen, Dalka intiisa Baddana aysan Dawladdu Awood u lahayn inay tagto.
B. Shuruucdii Nidaamka xisbiyahada oo ilaa hadda aan Dhamaystirnayn
C. Xisbayadii is Diiwaan gelilyey oo ilaa hadda sida uu Qabo Xeerka Nidaamka Xisbiyada Badan ee Dalka aan Buuxin Shuruudihii Asaasiga ahaa
D. Kala Qoqobnaan Siyaasadeed oo Saldhig u tahay Dawladda Federalka ah iyo kala Aragti duwanaansho hanaanka Ay U wajahday Dawladda Federalka ah Awood Qabsigii Dawladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, Meeshana ay ka Baxday xasiloonidii Siyaasadda.
E. Dastuurkii Dalka ilaa hadda Qabyo ah
F. Dawladda Federalka madaxdeeda Sare oo meesha ka saartay Kulankii Sanad laha ahaa, ay yeelan jireen Dawladda Federalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Sida uu Qabo Dastuurka ku meel Gaarka ah ee Dalka Qodobkiisa 53aad
G. Iyadoo Ilaa Hadda aysan Jirin Qaab Doorasho oo laysla meel Dhigay taasoo Mugdi Gelinaysa Geedi-Socodkii Hanaanka Dawlad Dhiska Ee Soomaaliya
H. Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo Keenay Jaah Wareer, Kaasoo Dhinacna Ka sheegaya Doorasho Hal qof Hal Cod, Dhinaca kalena Nimaamka 4.5 ayna tahay Caqabadaha ugu waawayn, oo ah in nidaamkii Qabiilka la sii xoojiyo oo laga dhigo Xeer Dawladdu ku dhaqanto.


12. LACAAFTII U DANBEYSEY EE FARMAAJO
SOO TUUREY

Sida aad lawada socotaan waxaa jira xeer loogu magac daray XEERKA BAARLAMAANKA GOBOLADA WAQOOYI, kaasoo hore magaciisu u ahaa, XEERKA DOORASHADA BAARLAMAANKA SOOMALILAND, ayna gudbiyeen hadda gudigii hawshaas loo xilsaaray, Usbuuca soo socdana loo balansanyahay in la meel mariyo.

Farmaajo isaga oo fulinaya heshiiskii Addis ababa ii kula galay Muuse Biixi oo ahaa in sool iyo sanaag ay ka mid noqdaan maamulka Gobolada waqooyi ee soomaaliya ayuu Doonaya inuu Baarlamaanka labadaas Gobol in xamar lagu doorto, sida Baarlamaanka soomaliland.
Hadaba maxaa la gudboon Shacabka labadaas gobol,Puntland iyo xukuumadeeda maxaa la gudboon.

Waxaan qabaa in siyaasiyiinta Goboladaasi ee xil ka haya Puntland iyo kuwa aannka hayn, Xubnaha labadooda gale kaga jira ay cadeeyaan kana hadlaan masiirkooda Lagu tumanayo.

sidoo kale Xubnaha federalka ah oo ag jooga farmaajo inay iyana muujiyaan aragtidooda ku aadan Qorshaha laga maleegayo Baarlamaanka soomaliya.

13. MAXAA LA GUDBOON HOGAANKA SARE EE PUNTLAND.

Waxaan Qabaa in ilaalinta Midnimada iyo Jirka puntland lagu Fara adaygo, Lana awdo Daloolada Banaan oo Dabaysha wax baal-baashaa laga socoto Dawladnimada PL.

Waxaa suurtagal ah puntland inay la timaado Qorshe lagu wajahayo xaaladaha Gobolka sanaag iyo sool Qorshe u gaar ahna la meel mariyo kaasoo looga Golleeyahay Turxaan saarista Tabashooyinka jira iyadoo si Qotodheer loo eegayo Macnaha ay leedahay Wadajirka iyo Isku Duubnida Bulshada puntland.
Puntland Waxaa La Gudboon Wadiiqa kasta oo Lagu Bad-Baadinkaro Jiritaanka Puntland Hadii Laga Fursan Waayo,
Puntland Waxaa la Gudboon Inay ka Shaqayso inay Sii Waddo Dadaalkii ay ugu jirtey Geedi-Socodka Hanaanka Dawlad Dhiska ee Soomaaliya, is kaashina ay la samayso Soomaalida Kale ee U taagan Xoojinta Midnimada iyo Wada-Jirka Umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Waa in La xoojiyaa Amniga Gudaha, Si Guul Looga Gaadho Nidaamka Xisbiyada Badan Ee puntland

xukuumadda iyo hogaanka puntland waxaa kale oo la gudoon inuu Hago siyaasad lagaga hortagayo Hadimooyinkaas siyaasadeed ee xamar ka socda. Waxaana u soo jeedinayaa Madaxda sare ee Puntland , Marxaladdan waxaan qabaa inay leedahay hoos u dhugasho xubnaha golaha xukuumadda ah. si, mugleh oo miisaan lehna looga buuxsado, TALADA iyo aragtiyhana loo Badiyo si ka fiirsasho dhab ahi ku jirto.

Shacabka puntland waxaa la Gudboon inay La shaqayaan Dawladooda ayna Garab istaagaan si looga Baaqsado waxkasta oo keeni kara Tafaraaruq. wada-jirka iyo Madnimdu waa waxa puntland ku soo caano maashay.

14. MAXAA LA GUDBOON DAWLADAHA XUBNAHA KA AHA DAWLADDA FEDERALKA?

Dawladaha Xubnaha ka Dawladda Federalka waxaa saaran Mas’uuliyad aad uwayn, Taasoo ah inay ka midoobaan Aragtida Nidaamka Doorasho Ee Dalku Aadayo,2020/2021.
Dawladaha xubnaha Dawladda Fedralka Waxaa la Gudoboon inay shir iskugu yimaadaan ka Hor Shirka guud EE Dawladda Fedralka ay yeelan Doonaan Dawladaha xubnaha Dawaladda Fedralka
Waxaa kale oo la Gudboon inay iska kaashaddaan Arimha Amniga si bulshada ay Mas’uulka ka yihiin ugu naaloodaan xasilooni waarta.
Waxaa La gudboon in ay meel uga soo wada Jeensadaan Wax kasta oo Dalka ku keeni kara In Dib loogu noqdo Burburkii laga soo kabtay ee 1991

15. MAXAA LA GUDBOON REER SANAAG & SOOL.

Mudo ku dhow 30 sano, Waxaa magac looga dhigay Goboladaas Dhulka lagu maran-sanyahay(Dispute area), Waxaa ku yimi lana soo Dersey Dhibaatooyin u gaara, Kuwaas oo taabanaya Dhanka horumarka Dhaqaalaha, Kaabayaadha Dhaqaalaha, Horumarinta Bulshada sida, Caafimaadka iyo biyaha, Weeararo joogta ah oo ka kala imanaya Afar jiho, Puntland, Somaliland, argagixada iyo Dawladda federalka ah Dagaaladdas oo u Qaybsan kuwa hubaysan iyo kuwa siyaasadeed, ayna sabab u tahay Dhulka lagu maran sanyahay iyo Talo la’aanta Dadka sheegta Magaca Goboladdas aan kor kusoo xusay.

Sida Aan Kor ku soo Xusay Waxaa Madaxwaynaha Dawladda Federalka iyo Madaxwaynaha Somaliland inay qorshaynayaan In labadaas Gobol ay ka mid noqdaan Maamulka Gobolada Waqooyi islma Markaasna Wax Talo ah iyaga oo aan Lawadiin La Rabo in Sidii la Doono Laga yeelo, Taasina waxay Caqad Ku tahay Halgankii Dheeraa ee Goboladaasi ugu Jireen Midnimada Umadda Soomaaliyeed iyagoo markasta ka soo horjeedey Gooni ugoosaddka Somaliland,

Haddaba siyaasiyiinta, aqoonyahanka, Isimada, Xubnaha ku jira Dawaldda federalka ah, xubnaha ka mid ah puntland iyo xubnaha xilalka ka haya soomaliland,Waxaan Qabaa inay tahay wakhtigii ay iskugu imaan lahaayeen Shirwayne lagaga tashanayo Aayaha umuddaas. si ay meeshas uga soo baxaan aragti lagu midaysan yahay oo Dhabanaha u xaari karta masiirka iyo mustaqbalka Goboladaas.

Kala QoQob-naata Aragtiyaha siyaasadeed waa caqabadda keliya ee u baahan in xal loo helo, markasta iyagoo ka tigtoonaanaya inay talo uu tuurta ku sito siyaasi Cadhaysan, Taas waxaan u leeyahay waxaynu aragnay Cawaaqibka ay Keenta.

16. GUNAANAD

walaalyaal, Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, ma filayno in uu indhaha ka qarsan karo xaaladda cakiran ee dalku maanta ku sugan yahay . Sodon sano (30) kadbi burburkii dalwadda dhexe ee Soomaaliya, waxa uu dalku marayaaa marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, iyada oo uu mugdi badan hareereeyey geedi-socodkii dowladnimo. Waxa burburay tiirarkii astaanta u ahaa Dowlad-nimada, sida Golahii Baarlamaanka iyo Garsoorka, oo shaqadoodii dastuuriga aheyd ee ilaalinta sareytna sharciga iyo kor-joogtenyta (rule of law and oversight), baal maray.

Waxaan ugu Baaqayaa Dawlahada Xubnaha ka Dawladda Federalka Ee soomaaliya inay masuuliyad wadaradeed iskaga saaraan Nidaamka Federalka ee soomali ku heshiisay oo hadda aad moodid inaanu luga ku taagnayn.

Dhanmaan Aqoon yahanka, Dhalin yarada, Haweenka, Madaxda Dhaqanka,Siyaasiyiinta, iyo Dhammaan Shacabka soomaaliyeed waa inay Masuuliyad iska saaraan ilaalinta Dawladnimada Soomaaliya Si hore loogu sii wado Geedi socodka Hanaanka Dawlad Dhiska Ee Dalka Soomaaliya.

ALLAA MAHADLEH

Contact: email: halgame114@gmail.com
TEL mob: +252907719360
ARAGTIDA SIYAASIGA SAMA-TALISKA AH EE SOOMAALIYEED
Hon.Abshir Said Salah

2 thoughts on “DEBIN KA QOOLAN & DAGAALKA QABOW EE KALA QAYBINTA PUNTLAND

  1. haagi abdi mohamed

    talo wanaagsan iyo fikir aad iyo aad u qaaliya ilaahay hakaa abaal mariyo, waad latalisaye ilaahay haka dhigo kuwo taladaada raaca,

    Reply
    1. Abshir

      AAD BAAD U MAHAD SAN TAHAY WALAAL ILAAHAY WAXAAB KA BARYEENAA TUBTA KHAYRKA IYO MIDNIMADA INUU INAKU RIDO.

      Reply

Leave a Reply to haagi abdi mohamed Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*