1st May 2024  admin  Category :

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhexda kaga dhacday khillaafka u dhaxeeya dawladaha Sacuudiga iyo dalka Kanada (Canada). Dawladda Soomaaliya ma jirto haba yaraatee boos ugga bannaan ama ay tahay ineey kagga hadasho khillaafyada u dhaxeeya dawladdaha nolosha dadkooda maareeyay.

Waxaan la soconaa in Dawladda Sacuudiga ay Madaxweeyne Farmaajo si diiran u soo dhaweeysay Feberaayo 2017kii , isagoona loo soo dhaweeyay si aan caadi aheen, waxaana laga codsaday in ay xirriirka u jaraan dalka Qatar. Dawladda federaalka arrintaas weey diiday oo waxeey sheegtay ineey dhexdhexaad ka noqonayaan, balse waxeey si cad dhabarka u saareen dalka Qatar. Dalka Qatar waxa uu u ballan qaaday dawladda federaalka lacag dhan laba boqol oo milyan si loogu fulliyo mashaariicyo kalla duwan.

Hase ahaatee, Dawladda Qatar ma bixin wax lacag ah, meesha Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya booqashadii uu ku taggay Imaaraadka loogu soo shubay hal bilayan oo doolar qasnadda dawladda Itoobiya, labba kallana la siin doono. Hadaba, markii dawladda federaalka la siin waayey lacagtii ay u ballan qaaday dawladd Qatar, ayeey billawday ineey fursada ka raadiso taageerida Sacuudiga ee muranka kalla dhaxeeyo dalka Kanada. Waxeey aheed in dawladda federaalka ay mar horre taageerto Sacuudiga iyo xullafadiisa si lacag ay u hesho, balse markii Qatar waxba laga waayey in maanta Sacuudiga la iska dhigo kuwo taageersan waa wax aan sameeneen micno badan.

Xaqiiqadana maanta dalka Kanada ma jirto sabab aan ku canbaareeyno ama aan kulla safanno dalka Sacuudiga. Haddaanu nahay Soomaali maanta ma awoodno in aan suggano ammaankayaga, waxaana ciidan inoo ah ciidanka AMISOM. Sidoo kalle, waxaa nahay dad aan heeysan dawlad dhab ah, maantana waxaa la dhoodhoobayaa sidii loo helli lahaa dawlad hanan karta dalka oo dhan.

Hadaba, dawladdii tan ka horreeysay ayaa sidan oo kalle faraha la gashay khillaafkii ka dhex taagnaa dawladda Sacuudiga iyo dalka Iswiidhan (Sweden). Miyaan la oran karin dadka Soomaalida waa dad guuxooda ka dheereeynaya, aan laheen caqli ku fillan, siyaasadana ka aradan, masrax aan lagu casuuminna doonaya ineey ka ciyaaraan?

Taa waxaa dheer in dawladda maanta joogtaa aysan wajiga saari karin qaladaadka ay gasho si shacabka looga shaafiyo. Waxaan ognahay in qaladaad soo noqnoqday kulligood aan laga jawaabin, lana door biday in la dhuunto. Waxaa uggu horreeysay sidaa wada ognahay dhiibistii Qalbi Dhagax ee dalka Itoobiya, waxaa xigtay arrintii ay dawladda Soomaaliy ay Eriteeriya kaga raacday Jabuuti oo iyadana ay ka dhuumatay ineey ka hadlaan. Hadaba, su’aasha meesha taal maanta waxeey tahay, Dawladda Federaalka maka jawaabi doontaa sababta ku kalliftay ineey dhexda ugga dhacdo muranka aan quseeyn ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Kanada, mise weey dhuuman doontaa sidii bisadii?

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*