18th April 2024  admin  Category :

Maamulka Jubaland, Puntland iyo musharixiinta ka ag dhaw ayaa weli dalbanaya in shuruudaha ay wattaan loo fulliyo, balse beesha caalamka ayaa u sheegtay Jubaland iyo Puntland ineey la laabtaan shuruudaha aan qiimaha ku fadhiyin ee waqti lumiska ah.

Puntland iyo Jubaland kuma hayaan meesha wax la taaban karo oo ku aadan tabashooyinka doorashada ay ka qabaan oo looga garaabi karo. Waxyaabaha ugu weeyn oo ay miiska soo saareeyn ayaa ah:

Farmaajo waa in uusan shirka shir guddoomin;

Waa in Farmaajo ciidanka uu ka soo tagaa oo AMISOM ay nawada illaalisaa;

Waa in Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, Cabdi Xaashi iyo kooxdaas kalle waa in miiska la soo fariisiyaa;

Waa in shirka ay hoggaankiisa yeelataan beesha caalamaka;

Qodobadan oo dhan ayaa ah kuwo aan qiimo badan ku dhisneeyn oo aan si toos ah u taabaneeyn doorashada la doonayo in ay dalka ka dhacdo. Dawladda waxeey ogashahay in miiska ay soo fadhiisato si doorashada loo guda gallo oo arrimaha muhiimka ah looga hadlo.

Soomaali oo dhana waxeey ogtahay in baarlamaanka la soo dooranayo ay yihiin kuwo ku yimid laaluush, eex iyo tollaayeey, marka cida ay codka siinayaana ay tahay cida jeebkooda u buuxisa. Anagoo og in shacab aysan wax soo dooraneeyn, oo baarlamaan laaluush qaadanaya ay codeenayaa, maxeey tahay sababta Deni iyo Axmed Madoobe iyo mushariinta ka agdhaw ay isugu mashquulinayaan waxaan waxba soo siyaadineeyn?

Hase ahaatee, waxaa muuqata in Badbaado Qaran kooxda la baxday ay kaga dhagtay oo kalliya Farmaajo meesha haka tago. Farmaajo wuxuu leeyahay isagana doorashada aan wada galno oo baarlamaankaas eexda iyo qabyaalada lagu soo doortay hannoo codeeyaan oo hadii ay ii codeeyaana aan shaqadeeyda sii watto hadii la iga adkaadana aan meesha isaga tago.

Marka maxaa xal ah hadii Deni, Axmed Madoobe iyo musharixiinta ka agdhaw ay meesha ku hayaan sheeko qof kasta aan ka iibsameeyn oo xittaa ay beesha caalamka u arkeen ineey tahay sheeko carruureed?

Xalka wuxuu noqonayaa in dawladda waqtiga ka dhammaaday waqtiga loogu darro 2 sanno ama 3 sanno si dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah maadaama tii dadbaneeyd la isku fahmi waayey oo ay tahay in laga gudbo. Dalkana ma’ahan in shaqsiyaad rabbitaankooda uu u xayirnaado.

3 thoughts on “Dawladda Waqtiga Halloo Kordhiyo

  1. Haliye

    Farmaajo wax aan ahayn reer Gedo halagu wareejiyo Kismaanyo maka shaqaynayo, waana Federal diid, mideeda kale xagee Puntland uga hartaa Jubbaland.
    Maxaa Farmaajo ku caashaqday soo tuu yiri kama jawaabi karo SANAAG iyo Khaatumo, miyaanu ahayn madaxweynaha JAMHUURIRADA FEDERALKA SOOMAALIYA.

    Reply

Leave a Reply to Haliye Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*