26th July 2024  admin  Category :

MashruucII  degaan kala sooca ee JPLG, ee  laga dhaariyey inuu ka howl galo degmooyinka  Dhahar, Badhan, Waaciye iyo   Buuhoodle ayaa dawladda dhexe  lacag ku bixisay

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dhaqaalihii lagu fulin lahaa mashaariicda JPLG ku wareejisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxa Magaalada Garoowe  ka dhacay Shir looga hadlayay dardar galinta Mashruuca JPLG oo ay ka soo qayb galeen Hay’addaha Dawladda Puntland iyo dhamaan Hayadda ku bahoobay Mashruuca JPLG.
Ujeedada Shirka ayaa ahaaa sidii loo fulin lahaa Natiijadii ka soo baxday dib u eegistii lugu sameeyay siyaasadda maamul daadajinta iyo in Wasaaradda Maaliyaddu ay ku wareejiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha lacagtii lugu filin lahaa mashaariicda JPLG ee 2016.
Shirka ayaa waxaa hogaaminayay Madaxwayne Ku Xigeenka Dawladda Puntland, waxaana ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdisalam Bashir, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Caafimaadka , Waxbrashada, Hawlaha Guud, Qorsheenta, Xoghaya Wasaaradda Maaliyadda iyoAsimaha Guud Maxadtooyada Saraakiil ka socotay Hayaddaha JPLG.
Shirka ayaa looga dooday sidii loo dardar galin lahaa mashruuca isla markaasna loo wada xalin lahaa wixii caqabadaha ah oo soo food saara Mashruuca.
Dhinaca kale Waxaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa gudoon siiyay cheque ay ku qornayd lacagaha ay bixiyeen Dawladda dhaxe iyo Hayaddaha JPLG oo dhan USD 978,000 (Sagaal boqol todobaatan iyo sided kun oo dollar).
Shirka ayaa waxaa soo xiray Madaxwayne Ku Xigeenka asagoo faray Hayadaha Dawladda in la iskula xisaabtami doono shaqooyinka ay masuulka ka yihiin.

https://allsanaag.com/tolka-aan-xuduudaha-lahayn/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*