26th July 2024  admin  Category :

Sheekh Shariif oo ku eedeeyay Guddoonka Baarlamaanka Inuu ku xadgudbay Dastuurka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Guddoonka Baarlamaanka inuu ku xadgudbay Dastuurka KMG iyo sharciga doorashooyinka kadib markii muddo bil dib loogu dhigay hor imaanshihii Baarlamaanka ee Guddiga doorashooyinka Qaran.

Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran ayaa ka digay isku day kasta oo lagu kordhinayo muddo xileedka Hey’adaha Dastuuriga.

“Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Dowladan waxa ay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horeyso doorashada qof iyo cod,Wixii ka dhasha isku day waqtiga lagu kororsanayo waxaa dusha u ridan doona madaxda dowlada.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa sii kordhacaya eedeymaha ay madaxda mucaaradka u jeedinayaan dowlada federalka iyagoo ka digaya in dib loo dhigo doorashada dalka ee la qorsheeyay inay dhacdo dhamaadka sanadkan ama bilowga sanadka 2021.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*