26th July 2024  admin  Category :

Xilddhibaano ka Tirsan Labada Aqal Oo Qoraal Dacwad ah U Gudbiyey Midowga Afrika(Akhriso)

Xildhibaannada baarlamanka Somalia ee ka soo jeeda dawlad goboleedka Jubbaland ayaa gudoonka Midawga Afrika u gudbiyay dacwad ka dhan ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Madeira oo ka hadlayey heshiis bishii hore magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo sadex ka mid ahaa golaha isbadal doonka Jubaland ayaa ku qeexay hershiiskaas mid dhex maray xubno isku beel ah, xili uu warbixin siinayey golaha amaanka ee QM

Xildhibaano iyo Senetaro gaaraya 18 ayaa saxiixay dacwaddan ay kaga dalbanayaan gudoonka Midawga Afrika inuu Ambasadoor Madeira xilka ka qaado maadaama uu muujin waayay dhexdhexaadnimo ku aadan siyaasadda gudaha Soomaaliya arrinkaana ay caqabad ku tahay gudashadiisa waajibadka shaqo ee loo igmaday sida ay warka u dhigeen.

Halkan ka Akhriso Qoraalka:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*