18th April 2024  admin  Category :

Damuljadiid lunsan oo Kismaayo laaluush la doontay si uu Xildhibaan uga helo

Wasiirka macdan iyo Batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim, ioo ka soo jeeda beesha Gaaljecel ee Hawiye, ayaa isaga  kursi Xildhibaan ku raadinaya lacagtii uu Damuljadiid qoondada uga helay wuxuu la tegay maamulka Jubbaland. Laakiinse guddiga doorashada oo dhaqan xumadan  ogaatay ayaa wasiirkan damuljadiid  u diiday inuu degaanada Jubbaland  ka tartamo.

War saxaaadeed goor dhow ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Jubbaland, ayaa ku eedeeyey   Wasiirka Macdanta iyo Batroolka inuu ku xadgudbay dhamaan shuruucdii iyo hab raacii u degsanaa hanaanka doorashooyinka, isla markaana uu jabiyay qodobada anshaxa xeerarka Musharaxiinta ee uu horay u saxiixay.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu isku dayay inuu laaluush siiyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland iyo inuu xalay ergadii dooraneysay uu Hotel ku soo xirtay, kana qaatay taleefanadoodi gacanta.

Doorashadii kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gaaljecel ayaa shalay dib u dhac ku yimid, kaddib is qab qabsi ka yimid ergooyinkii wax dooran lahaa, kaddib markii mid ka mid ah Guddigii doorashooyinka ay isku dayeen inay ergo aan sax aheyn ay soo geliyaan hoolka doorashada, iyadoo Nabadoonkii beesha uu ka hor-yimid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*