26th April 2024  admin  Category :

Qabashada doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo soo xulista xildhibaanada ka mid noqonaya ayaa socota. Sida aan ognahay gobol kasta oo ka mid ah siddeed iyo tobbankii gobol ee dalka, waxaa la siiyey midkiiba 3 xubnood.

Hase ahaatee, waxaa jira caqabado badan oo ay ugu weeyn tahay caddaaladdarro baahsan oo ka dhex jirta beelaha dhexdooda taas oo ku aadan cida ku mataleeysa gobol kasta aqalka sare. Inta badan gobolada dalka ayaa ah kuwo qabiilo kalla duwan ay ku nool yihiin, waxaase beelaha qaar ay doonayaan in wixii la wada lahaa ay iyagu si gaar ah u isticmaallaan.

Tusaale, gobol ayaa laga yaabaa in ay wada degan yihiin shan beellood oo kalla duwan, balse waxaa dhici karta in hal beeyl ay iska qaadato labbo xubnood, meesha afartii beellood ee kalle ay ku soo aado hal xubbin. Meel kasta oo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaa ka jirta caddaaladdarro baahsan.

Waxaana caddaalad darradda aabo u ah madaxda maamul goboleedyada iyo odayaasha dhaqanka. Odayaasha dhaqanka waxa ay yihiin kuwo ku milmay musuqmaasuqa siyaasadda waxaanaa adeegsada madaxda maamulada, waxeeyna soo xullayaan cidda maamul goboleedyada madaxdooda ay rabbaan.

Odayaasha iyo maamulada madaxweeynayaashooda is wata waxeey sabab u yihiin in xildhibaanadii aqalka sare iyo aqalka hoose ay noqdaan kuwo dadka metelaya aan ehel u aheeyn in kuraastaas ay ku metellaan goboladooda. Inta badan, kuwa la soo xullayo waa kuwo aan laheeyn aqoon ku fillan, waana kuwo xirfadoodu ay tahay musuqmaasuqa iyo sida wax la isku daba mariyo. Hadaba dadkaa soo shaqo tagay dal xaggee ayeey gaarsiinayaan?

Hadaba si caddaaladdarada looga baxo, Soomaaliya waxeey u baahantahay in la hello nidaam odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta looga maarmayo, sida ugu habboona waa iyada oo tallada coddeeynta loo celliyaa shacabka si ay u soo doortaan cidda ku metaleeysa gobolkooda. Balse nidaamkan hadda wax lagu soo dooranayo waa mid aan caddaalad u sammeeyn karin musharixiinta oo dhan, waana mid iska hor keenaya beelaha wallaalaha ee wadda degan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*