26th March 2024  admin  Category :

Doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee lagu doortay Qoor Qoor oo Soomaalidu ay ulla baxeen (Qoortagareen) ayaa aheed mid ku timid si aan cadaalad aheen, xaaraan ah, musuqmaasuq cadna loo adeegsaday doorashadaas. Sidoo kalle, doorashadaas waxeey iftiimisay in wadamo badan oo soo dhaweeyey doorashadaas ay yihiin kuwo doonaya in Soomaaliya marna aysan hellin nidaam xallaal ah iyo kalla danbeen, balse ay doonayaan in la dhiiri gelliyo musuqmaasuqa iyo isdabammarinta.

Hadaba, waxaa muuqata in siyaasada dalka Soomaaliya ay yeelatay weji cusub kaas oo ah mid aan wannaagsaneen. Nidaamka la doonayo in Soomaaliya lagu dhaqo ayaa ah mid ku salleeysan in la is caburiyo, la isku adeegsado xoog, lacagta dalka lagu kalla furfuro dadka si musuqmaasuq ah iyo in la soo adeegsado dawladdo shisheeyey sida dalka Itoobiya.

Waxaa meel la iska dhigay dhammaan arrimihii ku saabsanaa nidaamka federaalka, Farmaajo iyo Kheyrana hadafkooda waxa uu noqday sidii looga taqlusi lahaa nidaamka federaalka iyo in dalka Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam la mid ah midka Shuuciyiinta Shiinaha oo ah in awooda ay gacanta u gasho koox gaar ah, xisbigaasna uu noqdo midka kalliya ee dalkaas ka talliya.

Waxaa dhagaha laga fureeystay dhamaan dadkii wax ku lahaa tallada dalka, waxaa la diiday in la dhageeysto cabashooyinka ay qabaan bulshada, waxaa dhaqaalihii sadaqada ahaa ee magaca Soomaaliyeed lagu keenay laga jartay cid kasta oo ka soo hor jeeda fakirka Farmaajo iyo asxaabtiisa, waxaa madaxa la isku gelliyey dadkii maamulada wada dhistay, waxaana laga  shaqeenayaa sidii dalka aysan doorasho uga dhici laheen.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, dalka Soomaliya wuxuu ku socodaa dariiq Shuucinimo oo halis ah kaas oo meesha ka saaraya in tallada dalka lagu celliyo gacanta shacabka, waxaase lagamamaarmaan ah in laga hortago fakirkaas guracan ee aan horay Soomaaliya u soo marin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*