27th May 2022  admin  Category :

QORE: AXMED CABDILAAHI MAXMAED FOORE

Soomaaliya waa dal dhaca bariga qaaradda Afrika ee aagga loo yaqaan Geeska Afrika. Waxa ay dhanka gacanka cadmeed xadwadaag yihiin Yeman, dhanka barina Badweynta Hindiya, dhanka galbeedna Itoobiya iyo Jabuuti iyo dhanka koonfur galbeedna Kenya.

Soomaaliya waa dal bedkeeddu ku fadhiyo 637,655 km² oo laba jibaaran. Tiradda dadkeeda ayaa lagu qiyaasaa 15.89 Milyan (Qiyaastii Baanka Aduunka sanadkii2020). Sidoo kale Soomaaliya waxaa ku taala Badda ugu dheer qaaradda Afrika oo dherarkeedu gaarayo 3,333 km² oo Labajibaaran.

Sanadkii ,1884 shirkii Baarliin ee gumaystayaashu ugu heshiinayeen qaybsiga qaaradda Afrika.Soomaaliya waxaa loo qaybshay shan qaybood oo kale ah, Gobolladda Waqooyi oo uu xukumay Ingiriis, Koonfurta Soomaaliya-Talyaani, Jabuuti- Faransiis, Soomaali Galbeed-Ingiriis, kadibna uu Itoobiya hoos geeyey iyo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ee loo yaqaan NFD-Ingiriis gumaystay kadibna Kenya ku wareejay.

Kadib gumaysigu markii uu ku habsaday dhaamaan inta ay degaan dadka afka soomaaliga ku hadla’, waxaa bilowday halgan gumaysi la dirir oo ay ugu horeeyeen Dariiqada Suufiyadda oo uu hoggaaminayey Halgamaa Sayid Maxamed Cabdulle Xassan iyo Boqortooyooyinkii ka jiray gayiga Soomaaliyeed oo isugu jiray kuwa dagaal toos ah ku qaada iyo kuwa qalin iyo heshiis ay la galeen isku difaaca.

Halgan dheer kadib baraarugii iyo xornima u dirirkii dadka soomaaliyeed, Soomaaliya waxay qaaday wadadda xornimada iyo midawga, iyadoo ay midoobeen labadii Talyaaniga iyo Ingiriisku kala gumaysanayey 1-dii Luulyo, 1960-kii, taas oo macneheedu tahay, khariiradda Nambar-7 u ekaha guud ahaan inay midowday. Halka ay maqanyihiin saddexdii kale ee guddahooda ka baxsanaa.

Soomaaliya waxaa u baryey waa cusub, waxaa madaxweyne loo doortay Alle ha u naxariistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, isagoo noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaali yeelato. Dadka Soomaaliyeedna waxay ahaayeen dad kasoo baxay dhibaatadii gumaysigu uu ku hayey dalkooda iyo dadkoodaba, waxayna hamuum u qabeen inay u madaxbanaanadaan dawladnimadooda, helaana isku duubni ummaddeed. Mudda, 7 sano ku siman oo uu hayey xilka

madaxweynenimo Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, Bishii Juun sanadkii 1967-dii ayaa lagaga adkaaday doorashada madaxweynennimada, wuxuuna noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee xilka si dimoqraadi ah kaga dega. Iyadoo uu ka guulaystay Alle Ha u naxariistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke, xilkana uu la wareegay 10kii Bishii Luuliyo 1967kii.

Doorashadaas ay ku kala guulaysteen Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan iyo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa dalka ka jiray 100 Xisbi oo qabaa’ilo shaatigood huwan ilaa Xisbigii Xornimadda Hogaamanayey ee SYL ay ka dhex samaysmaan xisbiya hor leh oo isaga ka go’ay, kadib kala aragti duwanaan baahsan iyo damacsiyaasadeed oo soo kala dhex galay xubiniihisii ugu muhiimsanaa hogaanka xisbiga.

Doorashadaas waxaa hareeyey mugdi tuhun ku shubasho iyo is daba marin codeed oo ka dhacday guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaana la oran karaa; khilaafkii ka dhashay, kala amni-baxii doorashadaas iyo nidaamka xisbiyadda faraha badan ee dalka ka samaysmay, inay dalka markii kowaad u jihaysay waji cusub oo aan la mahadin.

15 Octoober, 1969, Waxaa dalka ka dhacay dil qorshaysan oo lagu khaarijiyey Alle Ha u naxariistee, Madaxweynihii talladda dalka hayey Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke, isaga oo booqasho ku maraya Magaaladda Laascaanood ee magaalo madaxda gobolka Sool. Maydkii Madaxweynaha, waxaa loo soo qaaday Caasimadda Muqdisho, halkaas oo lagu aasay Cisbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dalkii wuxuu galay jahawareer Siyaasaddeed oo hor leh, halkii lays waydiin lahaa shirqoolka lagu dilay madaxweynaha, cidda ka danbaysay iyo sababta loo dilay. Isla markiiba dalka waxaa ka bilowday loolan siyaasaddeed oo ku salaysan, ciddii bedeli lahayd Madaxweyne Sharmaarke, iya’doon laysugu iman wadatashi ay u dhanyihiin dhamaan Siyaasiyiintii Soomaaliyeed, Waxgaradka iyo Siyaasiyiintii markaas talladda dalka gacanta ugu jirtay, ayna ahayd in dhamaan ay ka arrin saddaan, sidii doorasho xalaal ah oo wada ogol ah ee madaxweyne u dhici lahayd.

Markii uu dilkaasi dhacayay waxaa dalka Ra’iisul Wasaare ka ahaa alle Ha u naxariistee, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Cigaal waxaa xilligii uu dilka dhacayay uu ku sugnaa magaalada New York oo uu uga qayb galayay shirkii Qaramada Midoobay, wuxuuna markii uu dilka maqlay uu si degdeg ah ugu soo laabtay dalka. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markuu dalka ku soo laabtay wuxuu billaabay sidii loo dooran lahaa madaxwaynihii baddali lahaa Cabdi Rashiid.

Waxaa xilligaasi laga dooday cidda madaxwayna noqonaysa waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyay, 20 October in Xaaji Muuse Boqor uu noqdo madaxwaynaha baddalaya alle Ha u naxriistee Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke, balse taasi laguma simin in taladaasi ay meel marto.

Waxaa la sheeggaa in doorashadaas lagu heshiiyey Xaaji Muuse Boqor ay ahayd mid jiitan ah oo siyaasiyiinta badankood aysan raali ka ahayn, una arkayeen jujuub siyaasaddeed oo dalka iyo dadkaba lagu marin habaabinayo, madaama aan heshiis lagu wada ahayn isku raacistiisa doorashada madaxweynaha dalka.

Habeennimadii, 21 October 1969 waxaa talada dalka la wareegay militarigii dalka ka. Ciidamadii talada qabsaday lama garaneyn cidda hogaaminaysay xilligaasi, balse waxay kala cadaatay 1-dii Bishii Nofeember 1969 oo lagu dhawaaqay Xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka oo ka koobnaa 25 xubnood. Alle Ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare, ayaa khudbaddii ugu horeysay jeediyay 23-kii October Sannadkii 1969, taas oo uu uga hadlayay wax ay doonayaan in ay qabtaan. Dhamaan waxaa la-laalay Dastuurkii iyo Shuruucdii dalka, waxaana meesha laga saaray dhamaaan wixii dawladdii rayidka ahayd khuseeyey, waxaana dalka awoodiisa ugu weyn iyo tixgalintiisa lahaa kaliya Ciidamadda Qalabka Sidda.

Waxaa la rumaysan yahay in Ciidamadda Militarigu dalka xoogg ula wareegaan waxaa sabab u ahaa lab arrin; Dilkii Madaxweyne Sharmaarke oo dalku xaalad qalalaase siyaasaddeed galay iyo inay jireen dabayla Afgambi oo ka dhacayey qayba badan oo ka mid ah dalalka Afrika.

Dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa u baryey waa cusub oo ugub ah, oo aysan saadaallin Karin meesha uu masiirkiisu ku danbayn doono, dal ay xoogg kula wareegeen ciidamada Militariga Soomaaliyeed oo aysan jirin cidd ay wax ka waydiiyeen qabsashadiisa.

Rajaddii laga qabay waxay u ekaatay mid wanaagsan, kadib markii ay muujiyeen waxqabad iyo dal jacayl fara badan. Sanadihii ugu horeeyey waxay ku guulaysteen inay dhisaan jidad cusub, tayeeynta waxbarashadda dalka, Caafimaadka iyo wax allaale iyo wixii looga baahnaa asaaska dawladnimo. Soomaaliduse waxay ku Maah-Maahdaa, hal xaraan ah, nirig xalaal ah ma dhasho. ku dhowaad markay dhowr iyo toban sano oo xoog iyo jajuub dawladnimo ah, waxaa soo ifbaxday oo banaanka timi ceebihii lagu yaqaanay kaligiitalis oo ka mid ahaayiin; Eex, Musuq-Maasuq, Dulmi iyo khaarijin xubna sar- sarre oo ka tirsanaa dawladdi militeriga.

Waxaa si hoos ah ku asaasmay jabhado qabaa’il salka ku haya, kana soo horka jeeda xukunka Militeriga, oo ay ugu waa weynaayeen Jabhaddihii SNM (Somali National Movement), SSDF (Somali Salvation Democratic Front), USC (United Somali Congress) iyo SPM (Somali Patriotic Movement). Laga bilaabo soo shaacbaxoodii, waxaa dawladdii militarigu si aan gabasho lahayn dagaal ula gashay cid allaale iyo ciddii inay la shaqayso iska daa e’ lagu tuhmo la shaqayntooda. Dalkiina wuxuu galay qalalaase hor leh oo u dhexeeya

jabhadahan hubaysan ee kasoo horka jeeda iyo dawladdi militariga. Dadaalka qura ee dawladdu xoogga saareysay ayaa ahaa sidii ay uga takhalusi lahayd xoogagga kasoo horka jeeda kaliya.

Waxaa la galay dadaalo lagu rabay in dalka lagu badbaadsho, hase yeeshee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa diidayey talo kasta oo uu u arko inay xukunka gacantiisa ka saari karto. Ka waran Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo xukunka si nabad ah uga dega, taladana dadka dib ugu soo cesha? Mala gali lahaa dagaal sukeeye? Haddii la galose ma loo nusbayn lahaa dagaalkaas dalku galay kadib wareejintiisa xukunka?

Ugu danbayn, Bishii Janaayo ,26-dii 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre iskaga baxsaday Magaalaada Caasimadda u ah dalka ee Muqdisho, iya’doo sababta baxsashadiisu ahayd inaysan waxba gacanta ugu jirin, magaaladana ay meel walba haysato jabhaddii USC (United Somali Congress) ee uu hoggaaminayey Janaraal Maxamed Faarax Caydiid.

Mar kale ayaa waa cusub oo aan la mahadin u baryey dadka iyo dalka soomaaliyeed, waxaana bilowday dagaal sukeeye oo aan waxba laysula harin, kaas oo ku salka ku hayey hab qabiil oo lagu macnayn karo dadka soomaaliyeed inaysan ku tashan in beel-beel kale disho, lakiin ay qaldayeen qab-qabyaal ama siyaasiyiin doonayey inay danahood shakhsiyeed ku gaaraan kicinta bulshooyinka soomaaliyeed ee sida nabadda ah isugu dhex noolaa. Waxaa ugu waa weynaa magaalooyinkii si ba’an laysugu laayey; Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Galkacayo iyo Hargaysa.

Soomaaliya waxay gashay dawlad la’aan, kala qax baahsan, iyo nin walba inuu jaahiis jarmaado, waana wakhtiga ugu badnaa oo ay dad soomaaliyeed ka baxaan dalkooda hooyo, iyaga oo nafohooda la baxsanaya rajaynayana inay dal kale oo aan kooda ahayn kula bad baadaan nafahooda iyo ubadkooda. Waxayna qaxitaankooda ka bilaabeen dalalka dariska inala ah; Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Yeman, ilaa ay uga sii gudbeen daafaha caalamka ay tan iyo manta ku noolyihiin.

Kadib marxaladan dawlad la’aanta ah, hoggaamiyeyaashii jabhadaha waxay bilaabeen inay dhisaan maamula danahooda u adeega, waxaana 18 May, 1991 Burco lagaga dhawaaqay maamul ay majaraha u hayso Jabhadii SNM (Somali National Movement) ee ka dagaalamaysay gobollada waqoyiga Soomaaliya. Shirkaas waxaa ka qayb galkiisa isku khilaafay dadka dega Gobolka Sanaag iyo qayb ka mida Gobolka Bari, Gobolka Sool iyo degmadda Buuhoodle iyo dadka dega Gobolka Awdal oo aan si habsami ah uga qab qaadan uguna qanacsanayn shirkaas iyo go’aankiisa.

Gobolka Sanaag iyo Gobolka Sool waxay ilaa iyo maanta dhibane u yihiin midnimadda ummadda soomaaliyeed, waxayna ka biya didan yihiin shirkii Burco ee go’aanka degdega ah lagu qaatay ee ka go’itaanka Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, wana tan ay maanta ugu tilmaaman yihiin dhul lagu muran sanyahay. Madaama ay ka mid yihiin Gobolladda Waqooyiga Soomaaliya kana mid ahayn Maamulka Soomaaliland waxay wax la dhisteen Puntland oo ay u arkayeen inay qadiyada soomaalinimo uga dhowdahay.

Sidoo kale, 1-dii Agoosto 1998, waxaa lagu dhawaaqay maamulka Puntland ay isagana garwadeen ka ahaayeen jabhadii SSDF (Somali Salvation Democratic Front) waxaana shirkiisii ugu horeeyey ee lagu dhisay lagu qabtay magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal oo hadda ah magaalo madaxda Maamul Gobolleedka Puntland. Gobolladii lagu dhisay waxay ka koobnayeen; Gobolka Bari, Sanaag, Mudug, Sool, Nugaal iyo degmadda Buhoodle oo raacsanaan jirtay Burco.

Asaaska Maamul Goboleedka Puntland wuxuu kaga gedisnaa dhismaha maamulka Somaliland, inuusan ku dhawaaqin go’aan qaraninadda iyo midnimadda dhaawac ku ah, kaliya lagu sheegay qoraalka in loo aasaasay ilaa inta laga helaayo dawlad soomaaliyeed oo hana qaada. Dhanka kale waxaa socday dadaalo lagu doonayey dawlad dhis Soomaaliyeed walow ay hareeyeen khilaaaf, kala jiid-jiidasho xukun iyo kala aragti duwanaan baahsan.

Dabayaaqadii Bishii January ee Sanadkii 1991, Alle Ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii USC (United Somali Congress) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Jeneraal Maxamed Siyaad Bare. Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateriga ee USC.

Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed waxaa halkaa ka muugta inuu si xoog ah isugu doortay Madaxweynaha Soomaaliya, isagoon Soomaalidii taladu ka dhexaysay oo midaysan aysan u wakiilan inuu madaxweyne ku meel gaar ah noqdo.

Wax farqi ahna uma dhexeeyo Madaxweyne Siyaad Barre iyo Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed xagga isu cimaamadka xilka dalka, waana jajuubkii dalku ku dumay, lagana diidanaa Janaraal Maxamed Siyaad Barre. Kadib dhowr shir oo la qabtay oo fashil ku danbeeyey, Sanadkii 2000 Carta, waxaa lagu soo doortay Dawladdii ku Meel Gaarka Ahayd uu Madaxweyne ka ahaa Mudane Cabdiqaasin Salaad Xassan. Dawladdii Madaxweyne Cabdiqaasin, waxay dhamaan Soomaalidu usoo

dhoweysay si diiran oo wanaagsan waxayna muujiyeen taageero lixaad leh. Sababtuna waxay ahayd waxay u arkayeen inay suura gal tahay in soomaali dib u hanato dawladd heshiis lagu yahay. Nasiib daro Madaxweyne Cabdiqasin waxaa ka hor yimi; Qabqablayaashii ka talinayey Muqdisho iyo Maamulka Puntland oo siyaasadd ahaan diidanaa dawladaas lasoo dhisay.

Madaxweyne Cabdiqaasin ayaa lagu sheegaa shakhsi tanaasul badan, diin leh, dal iyo dad jecel, taas oo ku hoggaamisay dawladiisii inuu xoogga saaro wada hadal ee anu awood xal bidin si kasta oo tabarta dawladiisu ahayd.

Kadib dawladdii Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan markay Caasimadda Muqdisho foodda galin wayday. Waxaa 10-kii Oktoobar 2004, dalka Kenya Madaxweyne Soomaaliyeed loogu doortay Alle Ha u naxariistee Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Madaxweyne Yuusuf ayaa ah Madaxweynihii ugu horeeyey ee Villa Soomaaliya, Dekadda, iyo Garoonka Diyaaradaha dib ugu soo ceshay gacanta dawladda.

Dawladdii Madaxweyne Yuusuf ayaa talaabo ka qaadi wayday xoogagg Maxaakiim Al-islaamiya iyo khilaaf baahsan oo soo kala dhex galay isaga iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Alle Ha u naxariistee Mudane Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde). Waxa uuna xilka si rasmi ah isaga casilay, 29 Disembar 2008, isagoo bila uga harsanyihiin mudda xileedkisii, aanna wax doorasha ah qaban qaabin si nadaam dimuqraadi ah u hir galo. Intaas kadib, 30 Janaayo 2009, waxaa Madaxweyne Soomaaliyeed loo doortay Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo hore uga tirsanaa Maxaakiimtii Islaamiga.

Madaxweyne Shiriif waxaa aad loogu ammaanaa inuu ku suntanyahay Madaxweynihii ugu horeeyey ee burburkii kadib dalka gudihiisa doorasho ku qabtay, iya’dda oo mar xallad adag lagu jiro inu sahlanaan kartay inuu xukunka sii dheeraysto durrufa jiray dartood. Madaxweyne Shiriif wuu tartamay marka laga guulaystayna xilka si nabdoon oo dimuqraaddi ah ayuu ugu wareejiyey madaxweynihii ka guulaystay Mudane Xassan Shiikh Maxamuud.

Sanadkii 2012, oo ahayd markii ugu horeeysay oo doorasho ka qabsoonto dalka kadib dawladdii rayidka ahayd, waxaa Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Mudane Xassan Shiikh Maxamud, waxana uu ku suntanyahay Madaxaweynihii dhamaystiray hanaanka Federaalka iyo inuu doorasha diyaarshay, tartan galay kadib ka guulaysigiisana xilka si nabad ah oo dimuqraaddi ah ku wareejiyey Madaxweynihii ka guulaystay Sanadkii 2017, ee hadda taladda dalka haya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu noqday Madaxweynaha ugu taageeradda badan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogaan.

Waxaa kale oo uu ku suntahay yahay Madaxweynaha aan wax doorasha ah qaban qaabin, sida madaxdii ka horeysay ee doorashada qabatay kadib ka guulaysigoodana xilka wareejiyey aqbalayna, waana Madaxweynaha

cududaar uu doorasho ku qaban wayeyna aan miiska soo dhigin. Madaxweyne Farmaajo wuxuu Baarlamaanka ka ansaxsaday laba sano oo dheeraad ah oo uu doonayey inuu sharci daro ugu korarsado mudda xileedka madaxweynaha oo ah Afar sano. Su’aashu waxay tahay, Madaxweyne Farmaajo doorasho qaban waa e’, xilka ma wareejin doonaa haddii laga guulaysto oo ma mari doonaa wadaddii ay mareen madaxdii ka horeysay?

Ugu dambayn, dawladda Soomaaliya waxay ahayd dawlad gumayste inoo dhisay oo aysan hanaankeeda cusub Soomaalidu aqoon, kuna heshiin fadhina ka yeela siday dawladooda cusub u dhisanayaan. Taasi waxay dhaxalsiisay in wixii hore ka khaldamay ilaa maanta la xisi la’yahay, ayna ugu horeeyaan Hanaanka Doorashooyinka Dalka.

khilaaf kasta oo kadhex dhasha dawladda Soomaaliyeed waxaa gundhig u ahaa Doorasho, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waxaa taagan loolan doorasho aan sharci, kala danbayn, iyo hanaan loo maro lahayn, taas oo ku salaysan kaliya; kala riixasho, is dhaleecayn, musuq-maasuq iyo isnacayb siyaasadeed.

Sidaa darted Soomaaliya waxay u bahantahay nidaam doorasho oo fadhiya, lana yaqaan hanaanka ay u dhacayso, heshiisna lagu wada yahay, qawaaniin iyo xeerar u dagsana leh. Waxaa wax laga xumaado iyo raja xuma lagu tilmaami karaa, kadib bur burkii oo laga joogo mudda 31 sano ah, inaan dalka Soomaaliya ka muugan fagaarayaasha caalamka. Taas waxaa usii dheer inaan nidaamka hay’addaha dawliga ah la sixin, ay noqdeen kaliya shakhi magcaabidood iyo ka cayrintood.

Doorasho aan hubanti ahayn waxay dalkan ku hogaamisay, dalka aduunka kaga jira Musuq-Maasuqa kaallinta kowaad, Amni darada, kala danayn la’aanta, Waxbrasha Xumadda, Caafimaad daridda. Maxaa dawladda timaada ay awoodeeda isugu gayn wayday ka mira dhalinta mid ka mida dhibaatootinka aan soo sheegnay xalkooda?

Balse taa bedelkeed waxay awooda saaraan madaxda dalkeenu maalinta ay kursiga dalka fariistaan danahooda shakhsiga ah, sida inay ka shaqeeyaan siday dalkan xukunkiisa usii hayn lahayeen, doorasho maqaar saar ahna u qaban lahayeen waxayna ka sinaayeen madaxweynayaashii doorashooyinka qabtay, boobka doorasho kaliya waxaa lagu amaani karaa qabasho doorasho iyo wareejinta xilka si dimuqraaddi ah kadib ka guulaysigoodda. Waxaase shacabka Soomaaliyeed qofkasta oo dalkiisa u naxayaa is waydiinayaa, sababta ay dalkan isbadal la arkaa uga dhiciwaayey? Maxayse isu waafaqi wayeen balamaha ay galayaan madaxdu markay loolanka ku jiraan iyo markay kursiga hantaan.

Waxyaallaha waxaas oo dhan ka xun oo la rabo inay fahmaan shacabka Soomaaliyeed iyo shakhsi kasta oo dalka u damqanayaa waa inay Soomaaliya maanta mareeso, ayna soo shaac baxday in madaxda dalkeena ay go’aamiyaan dalal shisheeye oo uu san jirin shakhsi ka madax banaan fara- shisheeye balse way kala riixdaan, waana wax Amniga Qaranka meel ka dhac ku ah.

Dawladaha aduunkana waxa ugu weyn ay ilaashadaan waa Madax Banaanidooda iyo inaan dalal dhigaalkooda ah madaxdoda jangoyn Karin. Nasiib daro, maanta doorashadii Soomaaliya waxay ku soo ururtay kala iibsiga Xildhibaanadii Soomaaliyeed ee la rabay inay dalkan iyo dadkan badbaadshaan ay u dhaarteen, fahmaana iyagu inay yihiin ha’yadda taladda dalku ka go’do, aysana qofna u daba fariisan taladda dalka. Waxaan kusoo gaba gabaynayaa fadlan Muwaadin, Siyaasi, Dhallinyaro, Aqoonyahan, Isimo iyo Cuqaal, badbaadi Soomaaliya oo xaalkeeda lagu soo koobi karo, Dal Hodan ah iyo Jaha’wareer Doorasho.

By: Axmed Cabdulaahi Maxamed Foore

MAHADSANID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*