26th April 2024  admin  Category :

Gobolka Bari oo lacag been abuur ah lagu qabtay iyo gobolka Sanaag oo lacag been abuur ah loo soo wado.

Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay fuustooyin ay ka buuxeen lacago been abuur ah oo maalmahan dhibaato ku haya suqyada degaannada Puntland, kuwaas oo laga keenay Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha kantaroolka Boosaso Maxamuud Qalaf ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen Gaadiid waday fuustooyinka Afka laga alxamay oo ay ku jirto Lacagta been abuur ah ee ku socotay suuqyada Boosaaso.

Boolisku waxay sheegeen in lacagtan ay tahay shilin Soomaali been abuur ah,waxaana ay sheegeen in lagu qariyay Fuustooyin iyo jawaanno lagana keenaya Koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.

Sidoo kale waxa magaalada Hargaysa ee xarunta  gobolka waqooyi galbeed qandaraas lagu siiyey in lacagta LANDERka ah ee beelaha Isaaq istcimaalaan inuu geeyo gobolka Sanaag ,  nin lagu magcaabo Ina Ciise Laab, oo ka mid ah Dabadhilifyada u shaqeeya maamulka SNM. Sida la sheegay lacagtan ayaa hadda taal Bakhaar ku yaal magaalada Hargaysa.\

 

 

Sidoo kale waxa magaalada Hargaysa ee gobolka waqooyi galbeed qandaraas lagu siiyey in lacagta LANDERka ah beelaha Isaaq istcimaalaan inuu geeyo gobolkaas,  nin lagu magcaabo Ina Ciise Laab, oo ka mid ah Dabadhilifyada u shaqeeya maamulka SNM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*