26th July 2024  admin  Category :

Maleeshiyaadkii NISA ee Muqdisho oo loogu xoog sheegtay Gaalkacayo

https://youtu.be/HVLZjtDpGI8

Ciidamada dawlada Puntland oo galabta dagaal culus lagalay Maamulka Galmudug ayaa ka qabsaday gadiid sidoo kalana gubay gadiid kale oo ay leeyihiin ciidamada dawlada federalka Soomaaliya  gaar ahaana kuwa NISA.

Taliyaasha ciidamada Dawlada Puntland ee joogay jiida hore ee dagaalka ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo xoogleh oo gaaray ciidamada dawlada Balse iyagu ay dharbaaxo xoogleh gaarsiiyeen maleeshiyo Galmudug.

Saraakiisha ciidamada dawlada Puntland ayaa sheegay dawladu inay dib kasoo bandhigayso ciidamada NISA ee lagu qabtay dagaalkaasi iyo waliba sidoo kale gadiidkii ay gacanta ku dhigtay.

Sarakiisha ciidamada dawlada Puntland oo lahadlay qaar kamid ah shacabkii ka barakacayey magaalada Gaalkacyo ayaa sanaagpost u sheegay inay dib ugu celiyeen magaalada Gaalkacyo shacab dhanka Galmudug ka barakacayey kuwaas oo ay u sheegeen inaysan ciidamadu waxyeelo gaarsiinayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*